Haldoornews.com
Itoobiya oo xukuno Dil ku jiro ku riday Saraakiil ka Tirsan TPLF
August 6, 2021 - Written by admin
Addis-Ababa(Haldoor News):-Maxkamada Ciidanka ee Darajada Koowaad ee Taliska Galbeed ee dalka Ethiopia ayaa xukuno isugu jira Dil iyo Xabsi daayin, ku riday saraakiil ciidan oo tiro badan, kana tirsanaa Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF), kahor intii aan loo taxaabin xabsiyada wadanka Ethiopia
Xubnaha Maxkamada Ciidanku maanta kuriday
Xukuna geerida ah dhamaantood waa saraakiil ku hadlaya afka dadka Tigreega, waxaana lagu eedeeyay khiyaano qaran, waxaana lagu oogay dambiyo aad ubadan waxaana lagu xukumay dhamaantood badhna dil & badhna xabsi daa’in
Sida laga soo xigtay garsooraha maxkamadda darajada 1-aad ee taliska galbeed Gaashaanle Sare Mariye Ababu, xubnaha la xukumay ayaa had & Goor ahaa kuwo quus kadhex abuuri jiray milateriga iyagoo fulinaya hadafkii TPLF ‘kahor weerarkii TPLF’ ee Taliska Woqooyi 04 -tii November ee sannadkii hore. Korneyl Mariye ayaa sidoo kale laga sooxigtay in baaritaano ku filan oo lahelay cadeymo unoqdeen danbiyada lagu eedeeyay.
Go’aankan ayaa yimid Xilli dhawaan TPLF ay soo saartay shuruudaha fududaynkara xabad joojin, ay samayso, waxaana shuruudaha kamid ahaa in lasii daayo Saraakiisha Tigreega ah ee ka tirsanaa Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, loo xidhxidhay keliya isirkooda Tigreenimo

COMMENTS
Arimaha Diinta