fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaWasaaradda Shaqo Gelinta oo Deeq Gaadhsiisay Qoys Ay 2 Caruur Ahi Dab...

Wasaaradda Shaqo Gelinta oo Deeq Gaadhsiisay Qoys Ay 2 Caruur Ahi Dab Kaga Dhinteen

    

Wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qosyka Somaliland, ayaa waxaa ay maanta deeq kala duwan ay gaadhsiisay Qoys dhowaan ay laba Caruur ahi Dab kaga Dhinteen.

Qoyskan oo degan Xaafada Daami ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ay Caruurtaasi kaga geeriyoodeen, kadib dab ka kacay guridooda.

Deeqdan ay Wasaarada Shaqo Gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland ay gaadhsiisay Qoyskaasi ay ka baxeen labadaasi Caruurta ahi, ayaa ka koobnaa Lacag, Raashin, Dhar iyo alaabooyin kala duwan.

Waxaa deeqdaasi ay wasaaradu gaadhsiisay Qoyskaasi horkacayay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Filsan Xuseen Khaliif iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradaasi.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Filsan Xuseen Khaliif oo madasha deeqda ka hadashay, ayaa ugu horayn Qoyskaasi ka tacsiyadaysay mashaqada ku timi.

Waxaanay sidoo kale, agaasime Filsan Xuseen Khaliif, ayaa Dadka muxsiniinta ah iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqday inay soo caawiyaan qoyskaasi ay ka baxeen labadaasi Caruurta ahi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)