Qoyskan oo degan Xaafada Daami ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ay Caruurtaasi kaga geeriyoodeen, kadib dab ka kacay guridooda.
Deeqdan ay Wasaarada Shaqo Gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland ay gaadhsiisay Qoyskaasi ay ka baxeen labadaasi Caruurta ahi, ayaa ka koobnaa Lacag, Raashin, Dhar iyo alaabooyin kala duwan.
Waxaa deeqdaasi ay wasaaradu gaadhsiisay Qoyskaasi horkacayay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Filsan Xuseen Khaliif iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradaasi.
Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Filsan Xuseen Khaliif oo madasha deeqda ka hadashay, ayaa ugu horayn Qoyskaasi ka tacsiyadaysay mashaqada ku timi.
Waxaanay sidoo kale, agaasime Filsan Xuseen Khaliif, ayaa Dadka muxsiniinta ah iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqday inay soo caawiyaan qoyskaasi ay ka baxeen labadaasi Caruurta ahi.