fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaSiyaasiyiinta Somaliland Ee Ku Sugan Muqdisho oo Qaadacay Doorashada Guddoonka Guddigaas

Siyaasiyiinta Somaliland Ee Ku Sugan Muqdisho oo Qaadacay Doorashada Guddoonka Guddigaas

    

M Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ee uu hogaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi, ayaa shaaciyey inaanay qayb ka ahayn doorashada guddoonka guddigaas ee la shaaciyay inay qabsoomayso maalinta Sabtida.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya ee heer Federaal, ayaa maanta sheegay in doorashada guddoonka xubnaha guddiga ee ka soo jeeda Somaliland la qaban doono maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 7-da bisha August ee 2021-ka.

Siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda ee uu hogaamiyo Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdiilaahi, ayaa ka soo horjeestay in 11 ka xubnood is doortaan, iyagoo taa badalkeeda codsaday in 8 keliya iska dhex doorato guddoonka Guddiga.

Sidoo kale, waxay sheegen in dhowr jeer ay isku dayeen in laga heshiiyo oo la dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya garabka kale, hase yeeshe uu garabka Mahdi Guuleed uu la iman haba yaraatee wax hindise iyo xal ah u noqon kara is-mari-waaga taagan.

Qoraalka ka soo baxay Golaha Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland, ayaa ugu dambayn waxaa lagu sheegay in ilaa inta xal kama dambeys ah laga gaadhayo hanaanka hagidda doorashada xildhibaanada labada gole, goobta doorashada iyo dhismaha Guddoonka Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayna qeyb ka noqon karin go’aan hal dhinac ah oo loogu daneynayo garab gaar ah.

Qoraalka ka soo baxay Golaha Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee uu hogaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa imanaya saacad kadib markii uu Guddiga hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya ee heer Federaal uu shaaciyay in maalinta Sabtida ah ee 7-da bishan ay qabsoomayso doorashada guddoonka guddiga xubnaha ka soo jeeda Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)