Mubaarig Bidhi, oo ka mid ahaa golihii deegaanka hore ee Burco ayaa sheegay in doorashadaasi ay u dhacday si wanaagsan oo hogaamin leh oo is-dhegaysi iyo dimoqraadiyadda ay ku tallaabsatay jamhuuriyadda Somaliland.
Ex- xildhibaan Bidhi, oo u waramay Sahan TV isagoo ku sugan dalka Ingiriiska waxa kaloo uu sheegay in qaabkii ay shalay u dhacday doorashadii shir-guddoonka Wakiiladda Somaliland in ay guusheedda leeyihiin guddoomiyaha Guurtidda iyo guddoomiyaha maxkamadda sare.
Waxaanu Mubaarig Bidhi, ku tilmaamay in doorashadaasi ay ahayd guul weyn oo u soo hoyatay guud ahaanba qaranka Somaliland, isla markaana ay soo af-jartay doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka qabsoomay 31-kii bishii May ee sanadkan.
Geesta kale Ex. Xildhibaan Bidhi, waxa uu sheegay in ay guusha hanashadda mucaaradka ee shir-guddoonka Wakiiladda ay qayb ka qaateen siyaasiyiinta ka cadhooday xisbiga Kulmiye, kuwaasoo uu ka mid yahay Maxamuud Xaashi Cabdi.
DAAWO: EX. Xildhibaan Bidhi Oo Arrimahaasi ka hadlaya: