U jeedadii ugu weynayd ee loo aasaasayna waxay ahayd in xukuumaddii xiligaasi ee ALLE ha u naxariistee marxuum Maxamed Xaaji Ibaarhim Cigaal, si ay ugu daabacdo jaraa’idkii Maandeeq.
Kaasoo ay xukuumadu doonaysay in ay isaga difaacdo dhaliilo uga iman jiray siyaasiyiintii mucaaradka ku ahaa, kuwaasoo wararkooda iyo qoraaladoodda ku daabici jiray wargeysyadii xiligaasi Hargaysa ka jiray ee madax banaanaa.
Balse markii ay muddo kooban shaqaynaysay madbacadda qaranku waxaa soo baxday baahi kale oo ahayd in ay daabacdo dhamaanba dhokumayntiyadda ay dawladdu cashuuraha ku qaado ee kala dawun.
Mudadda ay jirtay madbacadda qaranka Somaliland waxaa soo maray maareeyeyaal kala duwan, kuwaasoo xiliyo kala duwan iyo duruufo kala gedisan la soo maray sidii ay madbacadda qaranku u noqon lahayd mid daabacda dhukumayntiga dawladda.
Si loo sii xoojiyo loona sii awoodeeyo kaalinta ay madbacadda qaranku ugu jirto daboolidda hawlaha qaranka ayaa dabayaaqadii sanadkan waxa uu madaxweynaha hadda ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu madbacadda qaranka ku maalgeliyay lacag aad u fara badan.
Lacagtaasi oo dhamayd 1.8 milyan oo dollar ayaa la doonayay in lagu soo iibiyo Makiinado iyo mishiinno casri ah si ay madbacadda qaranku ula jaan-qaado madbacadaha kale ee gaarka loo leeyahay ee dalka ku soo kordhay.
U jeedadda ugu weyn ee laga lahaa lacagta aadka u badan ee lagu maalgeliyay madbacadda qaranka Somaliland ayaa la doonayay in lagu soo wareejiyo madbacadda qaranka daabacaadda Manaahiijta kala duwan ee buugaagta waxbarashadda ee dugsiyadda dalka.
Iyadoo daabacaadda manhajka buugaagta ay hore u haysteen shirkaddo gaar loo leeyahay oo ay ka mid tahay shirkadda loo yaqaano Hema Books, oo ah mid si gaara loo leeyahay. Taasoo lagu wareejiyay xiligii xukuumadii madaxweyne Siilaanyo.
Maareeyaha madbacadda qaranka ee xiligan Maxamuud Raage Warsame, ayaana lahaa masuuliyadda sidii loo soo iibin lahaa Makiinnado iyo mishiinno aad u casri ah si kor loogu qaado tayadda iyo masuuliyadda madbacadda qaranka Somaliland.
Maadaama oo wareegto madaxweyne loogu soo wareejiyay daabacaadda manhajka dawladda si ay daabacdo madbacadda qaranku ayaa markii la soo dejiyay makiinadihii lacagta badan lagu bixiyay waxay noqdeen kuwo aan awood u lahayn in ay daabacaan manhajkii waxbarashadda dalka.
Waxaana dhacday in mishiinadaasi ay noqdeen qaar aad u daalay, isla markaana duug ah oo laga soo xaraashay shirkadaha iska tuuray am aka baxay in ay isticmaalaan, kuwaasoo aad u liitay.
Sababta keentay in maareeye Raage, uu lacagtii aadka u badnayd ku soo iibiyo makiinadahan aadka u daalay ayaa lagu tilmaamay inuu ,musuq maasuqay lacagtii loo qorsheeyay, isla markaana uu sifo sharci darro ah uga faa’iidaystay isagu.
Sida ay sheegayaan xogo aanu ka helnay musuqa uu maareeye Raage, kula kacay ayaa sababay in ku fashilmay dabacadihii lagu so wareejiyey, taasoo keentay in madbacadda qaranka la geliyo hanti dhawr.
Hanti dhawrkaasi oo markii ay muddo ku jireen madbacadda qaranka ay u cadaatay in uu jirro musuq uu maareeyuhu ku kacay, isla markaana ay warbixintoodii hor dhigeen madaxweynaha.
Kadibna waxaa la sheegay inuu madaxweynuhu aad uga cadhooday sida aadka u qaldan ee uu maareeyuhu u lunsaday lacagtii aadka u badnayd ee loo dhiibay, isla markaana uu ugu soo iibniyay qalabkan duuga ah.
Wararka arrintaas la xidhiidha ee aanu helnay ayaa sheegaya in lacagtii la qorsheeyay in makiinadaha cusub lagu soo iibiyo inuu maareeye Maxamuud Raage, heshiis qarsoodi ah kula galay shirkad gaar loo leeyahay.
Shirkadaasi oo magaceedda la yidhahdo MMG ayay maareeyaha kala saxeexdeen heshiis qarsoodi ah, taasoo qalabkii loogu tallo galay madbacada meel ganacsiya oo ay wada leeyihiin maareeyaha iyo masuuliyiinta shirkadaasi ay wada jir ugu shuraakoobeen.
Waxaanay maareeyaha iyo xubnaha shirkadda MMG ku wada furteen lacagtaasi shirkad kale oo daabacaadeed oo magaceedda la yidhaahdo Grafic Media.
La soco qaybta 3aad ee qormooyin aad daaha kaga faydi doono musuqa dul hoganaya maareeye Raage…..