fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaXildhibaanadii Ugu Horreeyay Aqalka Sare Ee Soomaaliya oo La Doortay

Xildhibaanadii Ugu Horreeyay Aqalka Sare Ee Soomaaliya oo La Doortay

    

Xildhibaanadii ugu horreeyay ee Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya, ayaa maanta lagu doortay magaalaada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland, iyadoo ay billaabantay doorashada Soomaaliya, kadib dhowr mar oo ay dib u dhacday.

Kursiga u horreeya waxaa helay Ilyaas Badal Gaboose oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Jubada Hoose, wuxuuna ku guuleystay 55 cod, halka Maxamed Axmed Sayid oo la tartamayey uu helay 17 cod. Guud ahaan waxaa codeeyey 73 cod, iyadoo hal cod uu xumaaday.

Sidoo kale, Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa ku guuleystay kursigii labaad ee Aqalka Sare Soomaaliya.

Fartaag, ayaa helay 71 cod oo gacan taag ah, kadib markii uu sida la sheegay tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac oo la tartami lahaa, waxaana ka aamusay laba xildhibaan.

Sidoo kale, Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, ayaa noqday musharraxa ku soo baxay kursiga saddexaad ee golaha Aqalka Sare Soomaaliya ee maanta la qabtay doorashodooda.

Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, ayaa helay 59 cod, waxaana uu ka guuleystay Xaliimo Jaamac Maxamed, oo iyaduna heshay 12 cod. Waxaa xumaaday hal cod.

Kursiga afaraad, ayaa waxaa ku guuleystay Iftiin Xasan Iimaan Baasto, oo loogu codeeyey hab gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Ibraahim Yacquub oo la tartamayey.

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa u hambalyeeyay xubnaha la doortay.

Tani waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ka bilaabatay doorashada qabashadeeda ay muddo billo ah dood xooggan ka taagneyd, dhowr marna wakhtiyo loo qabtay ay dib u dhaceen.

Doorashada Xubnahan, ayaa ku soo beegmaya iyadoo weli aan la xalin murankii ka taagnaa doorashada xubnaha ka soo jeeda Somaliland eek u sugan Soomaaliya, islamarkaana ay jiraan caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah oo laga yaabo inay saameeyaan inta ka hadhay doorashada Soomaaliya, oo ugu dambeyn loo balansan yahay in madaxweyne lagu doorto bisha October ee soo socota.♣

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)