Friday, March 24, 2023
HomeWararkaGuddoomiye Cirro oo Dalbaday Baadhis Ku Saabsan Arrinta Xildhibaan Mustafe

Guddoomiye Cirro oo Dalbaday Baadhis Ku Saabsan Arrinta Xildhibaan Mustafe

Home 
    

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadlay arrinta Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo sheegay in xukuumada Somaliland ku afduubi gaadhay gudaha Itoobiya.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa waxaa uu Xukuumada Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ka dalbaday in ay baadhis ku samayso arrinta Xildhibaan Mustafe.

Cirro, ayaa waxaa uu sidoo kale ka dalbaday Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland ee cusub in looga fadhiyo in ay baadhis qoto dheer ku sameeyaan arrinta Xildhibaanka.

Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Sool, ayaa shaaca ka qaaday in isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ay Xukuumadda Somaliland u adeegsatay sirdoonka dalka Itoobiya si loo xidho, iyadoo u soo dhexmaraysa xafiiska Somaliland ee Itoobiya.

Xildhibaanka, ayaa sheegay in shan nin oo uu ku jiray nin reer Jigjiga ah oo ka tirsan sirdoonka Itoobiya ay ka qabteen makhaayad ku taalla Addis Ababa, isla-markaana saldhiggii uu dhowaa ay geeyeen.

Geesta kale, Safaaradda Somaliland ku leedahay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedaymaha Xildhibaan Mustafe, iyada oo sheegtay inaanay safaarad ahaan waxba ka ogeyn socdaalka uu xildhibaanku ku tagay Addis Ababa.

Arrintan, Xildhibaan Mustafe Axmed, ayaa timid kadib markii uu taageeray Isbaheysiga Xisbiyada Mucaaridka Somaliland, islamaarkaana uu ka huleelay xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)