fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkadaxweyne Biixi oo Ka Qaybgalay Madal Lagu Soo Bandhigay Maandooriye

daxweyne Biixi oo Ka Qaybgalay Madal Lagu Soo Bandhigay Maandooriye

    

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ay ciidanka Boolisku bulshada ugu soo bandhigayeen tiro badan oo maandooriyaha xashiishadda loo yaqaanno ah oo ay hawlgallo ku soo qabqabteen habeenimadii xalay.

Madaxweynaha, ayaa xarunta Birmadka ee ciidanka Booliska kaga qaybgalay bandhig shacabka lagula wadaagayey maandooriyaha xashiishada oo si farsamaysan loo qariyey, balse ay ciidanku ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan, si ay bulshada uga badbaadiyaan fasahaadka maandooriyahan.

Ugu horrayn taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday ololaha la dagaallanka maandooriyaha ee ay ciidanka Boolisku ku hawllan yihiin, waxana uu tilmaamay inay heegan ugu jiraan ciidanku sidii loo fashilin lahaa tabaha iyo xeeladaha kala duwan ee ay adeegsadaan kuwa dalka ku fasahaadinaya noocyada kala duwan ee maandooriyaha.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa ciidanka Booliska ku bogaadiyey ciidanka Boolista sida hagar la’aanta ah ee ay bulshadooda ugu adeegayaan, waxana uu xusay inuu kalsooni badan ku qabo shaqadooda.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo indhihiisa ku arkay tirada xashiishadda ah ee ay ciidanku gacanta kusoo dhigeen, ayaa ciidanka Booliska iyo hoggaankooda ku hambalyeeyey.

Waxana uu kula dardaarmay inay halkaas kasii wadaan daacadnimada iyo waddaniyadda ay dalkooda iyo dadkoodaba ugu adeegayaan, waxana uu yidhi,“Aad iyo aad baannu u hambalyeynaynaa ciidanka Booliska, ummaddiinuna way idiin ogtahay shaqada aad u haysaan, waan idin hambalyeynaya, qarankiinnuna wuu idiin ogyahay waxaad tihiin, dhibkaad qabtaanna waannu idiin ognahaye waxan idinkula dardaarmayaa, halkaas qarankiinna kasii wada, nabadgelyadana inoo ilaaliya.”.

      

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir