fbpx
Thursday, November 30, 2023
HomeWararkaXildhibaan Shaaciyay In Loo Adeegsaday Sirdoonka Dalka Itoobiya

Xildhibaan Shaaciyay In Loo Adeegsaday Sirdoonka Dalka Itoobiya

    

Xildhibaan Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo xisbiga KULMIYE uga soo baxay gobolka Sool, ayaa eedaymo culus u jeediyay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Xildhibaan Mustafe, ayaa shaaca ka qaaday in isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ay xukuumadda Somaliland u adeegsatay sirdoonka Itoobiya si loo xidho.

Xildhibaanka, ayaa sheegay in shan nin oo ka tirsan sirdoonka Itoobiya ay ka qabteen makhaayad ku taalla Addis Ababa, isla-markaana saldhiggii uu dhowaa ay geeyeen.

“Shalay aniga oo fadhiya kafateeriya Gaarisa la yidhaa ayay 5 nin oo katirsan sirdoonka Itoobiya ii yimadeen, waxay igu yidhaahdeen soo kac, waxan ku idhi waaran maad wadataan, waxay igu yidhaahdeen mayee saldhiga ayaanu kuugu sheegi waxanu kaa rabno” ayuu yidhi Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in raggaasi ay ahaayeen ciidan lasoo adeegsday, haybtoodana la garanayo, isla-markaana uu ku jiray nin reer Jigjiga ah.

“Ciidan sirdoon ah oo lagu shaqaysanayo ayay ahaayeen, haybtoodiina waala garanaya oo nin reer Jigjiga ah ayaa ku jiray, saldhiga ayay i geeyeen suunkii iyo kabihiina way iga saareen, mobiladiina way iga qaadeen, kii Soomaaliga aha baa igu yidhi dollar ayaad waddanka soo galise danbigaaga iska qiro” ayuu markale yidhi Xildhibaan Mustafe Axmed.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dood dheer, kadib raggii ka socday sirdoonka dalka Itoobiya ay shaaciyeen in arrintan ay ka dambeyso Somaliland, isla-markaana ay u soo martay dhinaca safaaradda wadanka Itoobiya, sida uu xildhibaanka hadalka u dhigay.

“Markii lala hadlay waxa soo baxday in ay ahayeen niman halkan laga waday, ninkii Soomaaliga aha ayaa la hadlay sirdoonka Itoobiya waxayna ku yidhaahdeen ninkaa anagu mahaysane dowladiisa ayaa haysata, wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ayaa safaarada usoo martay” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Xildhibaan Mustafe Axmed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)