Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u tartamaya kursiga guddoomiyaha golaha Wakiiladda cusub ee Somaliland ayaa rejo weyn ka muujiyay inuu kursigaasi ku guulaysanayo.
Waxaanu ku sababeeyay filashadiisa inuu hanto kursigaasi khibradiisa, aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa oo balaadhan awgeed.
Xildhibaan Faratoon, oo xisbiga Kulmiye u soo sharaxay inuu noqdo guddoomiyaha golaha Wakiiladda ayaa tilmaamay in haddii ay golaha cusubi kursigaasi isaga u dooran waayaan in ay ceeb ku tahay.
Waxaanu ku booriyay xildhibaanadda cusub ee golaha Wakiiladda mucaarad iyo muxaafidba in ay isaga u codeeyaan, haddii ay diidaana ay noqonayso fursad weyn oo goluhu lumiyay.
DAAWO: Faratoon Oo arrimahaasi Ka Hadlaya: