fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaWaxaa lagu soo qaatay $180,000 qayrul-masuulnimo weyn iyo dulmi baa dhacay

Waxaa lagu soo qaatay $180,000 qayrul-masuulnimo weyn iyo dulmi baa dhacay

    

Maayarka Laascaanood ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay inuu muddo gaaban ku bur-burro garroonka Kubbadda cagta ee Cabdi Bille Cabdi oo ay waxyeello soo gaadhsiiyeen daylo xoogan oo maalmahan ka dhacayay magaaladda Laascaanood.

Waxaanu ku dhaliilay shirkadii la siiyay qandaraaskii dib u dhiska iyo dayactirka garroonkaasi in ay hagratay, isla markaana  ay musuq maasuqday dhismahaasi oo aanay si daacad ah ugu hagar bixin.

Maadaama oo muddo sideed bilood oo keliya ah laga joogo xiligii lagala wareegay ama ay dhamasytirtay shirkadii garroonkaasi dib u dhiska iyo dayactirka ku samaysay garroonka Kubbadda cagta Laascaanood.

Maayar C/raxiin Cali Ismaaciil, oo maanta soo kormeeray garroonka Cabdi Bille Cabdi ee magaaladda Laascaanood oo ay waxyeelo ka soo gaadhay Dabaylaha Xaggaaga oo maalmihii u danbeeyay si xoog leh uga dhacayay magaaladaasi.

Duqa degmadda Laascaanood waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay xubno ka mida golaha deegaanka ee Laascaanood iyo isku-duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Sool, waxaanu sheegay maayarku in garroonkaasi dib u dhis iyo dayactir ay ku samaysay xukuumadii madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaasoo ay ku baxday lacag aad u badan.

Maayarka ayaa si gaara tusaale ugu soo qaatay qaybta VIP da ee garroonkaasi oo ay waxyeeladda ugu weyni soo gaadhay, iyadoo qaybtaasi oo keliya lagu soo qaatay lacag dhan $180,000. Isagoona  qayrul-masuulnimo weyn iyo dulmi ku eedeeyay in shirkadii garroonkaasi dhistay ay ku kacday.

Geesta kale maayarku waxa uu sheegay  in ay ka dawlad hoose ahaan si deg deg ah wax uga qabanayaan waxyeeladda soo gaadhay garroonka Cabdi Bille Cabdi, isla markaana ay la kaashan doonaan  wasaaradda ciyaaraha Somaliland.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir