Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMaayarka Gabiley Oo Mar Kale Ku Baaqay Olole Nadaafadeed

Maayarka Gabiley Oo Mar Kale Ku Baaqay Olole Nadaafadeed

    

Maayarka magaaladda Gabiley Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, ayaa mar kale ugu baaqay bulshadda ku nool magaaladaasi in ay dawladda hoose kala soo qayb galaan ololihii nadaafadeed maalinta Khamiista ah ee burrito.

Ololahaasi nadaafadeed oo noqonaya wejigiisii labaad ayaa magaaladda gudaheedda lagaga ururin doonaa Dhagaxaanta sida qaabka darran u dhex yaalla xaafadaha iyo gudaha magaaladaasi.Kuwaasoo wax u dhimaya bilicda magaaladda.

Wejigii koowaad ee ololahaasi nadaafadeed ee Gabiley nala qurxi loogu magac darray oo qabsoomay 24-kii bishan ayaa afarta xaafadood ee magaaladda Gabiley lagaga ururiyay Dhagaxaan fara badan, iyadoo sidoo kale la jaray geedka Garran-waaga ee ka dhex baxay xaafadaha magaaladaasi.

Dhagaxaanta ololaha berri lagu ururin doono ayuu maayarka Gabiley sheegay in looga faa’iidaysan doono meelaha danta guud ah, gaar ahaana in Dayr loogu dhisi doono Qubuuraha cusub ee  ku yaalla dhinaca koonfureed ee magaaladda Gabiley.

Maayarka Gabiley oo maanta shir jaraa’id oo uu ololahaasi nadaafadeed  ku iclaaminayay ku qabtay xafiiskiisa, waxa kaloo uu sheegay in ololahaasi uu noqon doono mid joogto ah, isla markaana la qaban doono bil walba laba Khamiisood.

Waxaanu maayarku ugu baaqay dhamaanba dadweynaha magaaladaasi in ay kala soo qayb galaan ololahaasi, isla markaana ay xaafad waliba muujiso dedaal dheeraad ah si ay u guulaysato.

Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, ayaa u mahad celiyay dadweynihii kala qayb qaatay ololihii hore gaar ahaana xaafadii 18-ka May, ee  ku guulaysatay ololihii Sabtidii hore qabsoomay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version