fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaBadhasaabka Xaysimo Oo Dhagax Dhigay MCH Laga Dhisayo Degmadda Xallin

Badhasaabka Xaysimo Oo Dhagax Dhigay MCH Laga Dhisayo Degmadda Xallin

    

Badhasaabka gobolka Xaysimo C/rashiid Maxamed Axmed (Xiir), ayaa maanta degmadda Xallin ee  ka tirsan gobolkaasi ka dhagax dhigay xaruntii caafimaad oo u horaysay ee ay degmadaasi yeelato iyo saldhig boolis.

Guddoomiye C/rashiid Xiir, oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale oo maalmahanba  hawlo shaqo ku joogay degmo ka tirsan gobolka Xaysimo oo ay ka mid tahay degmadda Xallin ayaa kormeerro qiimayn ah ku soo maray meello kala duwan.

Dhagax dhiga MCH-ka ay yeelanayso degmadda Xallin iyo saldhiga booliska waxaa badhasaabka Xaysimo ku wehelinayay maayarka degmadda Taleex, xubno ka mida golaha deegaanka Taleex, saraakiisha ciidamadda booliska iyo milateriga ee gobolkaasi.

MCH-kan ama xaruntan caafimaad ee laga dhagax dhigay degmadda Xallin ayaa noqonaysa xaruntii caafimaad oo ugu horaysay ee ay yeelato degmadda Xallin, oo ka tirsan gobolka Xaysimo.

Guddoomiyaha gobolka Xaysimo C/rashiid Xiir, ayaa bulshadda degmadda Xallin uga mahad celiyay bulshadda degmadaasi sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen iyo sida ay ay diyaarka ugu yihiin in ay la shaqeeyaan xukuumadda Somaliland.

Waxaanu sheegay in xukuumadda Somaliland ay u magacowday in Xallin ay noqoto degmo, isla markaana ay u samaysay maamulkii degmadda ee bulshadda u shaqayn lahaa.

Sidoo kalena ay dawladda Somaliland imika diyaar u tahay in ay wax ka qabato  baahiyaha kala duwan ee ay bulshadda degmadaasi qabaan, sida caafimaadka, biyaha, waxbarashadda, amaanka iyo waxyaabaha kaleba.

Geesta kale C/rashiid Xiir, ayaa bulshadda degmadda Xallin u balan qaaday in xukuumadda Somaliland ay in gacan ka gaysato dhismaha xaruntan caafimaad iyo saldhiga booliska, maadaama oo ay hadda bulshadda degmadaasi diyaar u yihiin in ay xukuumadda wax la qabtaan.

Dhinaca kale, madax dhaqameed, waxgaradka iyo odayaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda deegaankaasi ayaa soo dhaweeyay xaruntan caafimaad ee loo dhagax dhigay. Waxaanay uga mahad celiyeen in xukuumadda Somaliland oo xaruntan caafimaad u hirgelinaysa.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir