fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaMadaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Kormeeray Taliska Ciidanka Dab-demiska iyo Dhismaha Xarunta...

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Kormeeray Taliska Ciidanka Dab-demiska iyo Dhismaha Xarunta Gargaarka Deg Dega Ah

    

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna guddoomiyaha guddida ka hor tagga xanuunka Covid-19, ayaa maanta kormeeray dhismaha cusub ee xarunta gargaarka deg-deg ah oo ay maal-gelisay xukuumaddu.

Kormeerka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa waxaa ku wehelinayay Wasiiradda Wasaaraddaha horrumarinta Caafimaadka iyo Diinta iyo Awqaafta.

Xaruntan gargaarka deg-dega ah, ayaa noqon doonta goob u diyaarsan xaaladha deg deg ah ee xanuunnada sida Covid-19 oo kale ee u baahan goob gaar oo lagula tacaalo, looguna adeego bulshada xilliyada adag ee ay dilaacaan xanuunnada faafa ama kuwa safmarka ah ee dalka soo mara.

Waxaana loo aqoonsaday xarun qaran oo lagula dagaalami doono hadda wixii ka dameeya xanuunnada u baahan in laga dhex saaro bukaannada kale, iyadoo xaruntan laga dhisay cisbitaalka weyn ee magaaladda Hargeysa.

Geesta kale, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo uu weheliyo wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa kormeeray taliska ciidanka Dab-demiska ee magaalada Hargeysa.

Waxaana halkaas ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka dab-demiska sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, isaga oo intaa kadib Madaxweyne ku xigeenku soo maray xafiisyada kala duwan ee uu ka kooban yahay taliska guud ee ciidanka dab-demiska iyo qaybihiisa kala duwan.

Taliyaha ciidanka Dab-demiska Sarreeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, ayaa warbixin dheer ka siiyay madaxweyne ku xigeenka marxaladihii uu soo maray ciidanka dab-demisku isagoo ciidanku jiray buu yidhi muddo kooban haddana uu ku guuleystay inuu damiyo ama uu u gurmado dhiilo kasta oo soo yeedha.

Waxaanu intaas ku daray in ciidanka dab-demis hadh iyo habeen ba uu heegan u yahay u shaqaynta iyo badbadinta nafta iyo maalka muwadiniinta Somaliland, isagoo madaxweyne ku xigeenka halkaas uga akhriyay dhacdooyinkii dhacay lix-dii bilood ee hore ee sannadkan 2021-ka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa tilmaamay in horumar xawli ah uu ku socod ciidanka dabdemisku iyadoo ay kooban tahay muddada uu jiray, waxaanu ka marag kacay in ciidanka dab-demisku haysto dhalinyar u carbisan xirfadda ciidanka dab-demiska isla markaana heegan ah afar iyo labaatanka saacadoodba.

Waxaana uu madaxweyne ku xigeenku sheegay inuu hiil iyo hooba qaranku la garab taaganyahay ciidanka dab-demiska, isagoo ku booriyay inay dedaalka ay qarankooda ugu shaqaynayaan ay bartaas kasii wadaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)