fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaDagaalka Ethiopia oo Saamayn Ku Yeeshay Gobolka iyo Djibouti oo Ciidamo Ku...

Dagaalka Ethiopia oo Saamayn Ku Yeeshay Gobolka iyo Djibouti oo Ciidamo Ku Taageertay Hiilka Amxaarada Ee Abiy Ahmed

Dagaalka Ethiopia oo Saamayn Ku Yeeshay Gobolka iyo Djibouti oo

    

Xaallada collaada ka aloosan dalka Ethiopia, ayaa walaac iyo cabsi ka abuurtay gobolka, iyadoo dagaalyahanka Tigray TPLF iyo TDF, ay qabasadeen saddex degmo oo gobolka Canfarta ee ay xadka wadaagaan maalmihii lasoo dhaafay.

Wararka, ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 qof oo rayid ah ay ku dhinteen halkaa, isla markaana kumanaa qof ay ka qaxeen guryahooda, kaddib dagaalo culus oo dhexmaraya TPLF iyo xooggaga ciidamada dowladda Ethiopia oo kaashanaya maleeyshiyaad iyo kuwa maamulada Amxaarada iyo kuwo kale.

Dadka deegaanka, ayaa wakaaladdaha wararka qaarkood u xaqiijiyay qabsashada saddex deegaan oo ka mid ah deegaamada Canfarta in ay gebi ahaanba la wareegeen TPLF iyo ciidankooda TDF (Tigray Defense Forces (TDF), sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah maamulka gobolka Canfarta.

Wararka qaar, ayaa sheegaya in kooxda TPLF, doonayaan in ay gooyaan dariiqa dhuuniga ugu badan usoo maro dalka Ethiopia ee aan dekedda lahayn, kaas oo sahaydka iyo saadka ugu badan kala soo dega dekedda ay jaarka yihiin ee dalka yare e Djibouti, isla markaana dariiqa ahmiyada weyn ee isku xidha labada dal uu ku yaal deegaanka Canfarta.

Arrintan, ayaa si weyn cabsida dagaalka kor ugu qaaday, waxaana jiray warar sheegaya in xukuumadda Djibouti ay ciidamo u dirtay xadka ay la wadaagto Ethiopia, si ay u caawiyaan haddii loo baahdo xukuumadda Addis Ababa oo qaylo dhaan u diraysay maalmahanba maamulada Ethiopia.

Wararka qaar, ayaa sheegaya in xukuumadda Madaxweyne Geelle ee Djibouti si weyn uga cabsanay in dagaalku kusoo fido, isla markaana ay kusoo fatahaan dadka ka carayaya dagaalka ee qowmiyadaha Ethiopia, wallow ay dawladda Djibouti dafirtay wararka sheegaya in ay ciidamo u dirtay Ethiopia.

Afhayeen u hadlay TPLF, ayaa ku sheegay bartiisa Twitter-ka in jabhadda TPLF aannay dagaal kula jirin dadka Cafarta ama maleeshiyadooda, laakiin ay la dagaalamayaan hoggaamiyeyaasha Ethiopia, balse

Saraakiisha ciidanka Ethiopia, ayaa sheegaya in ay burburiyeen xoogaggii Tigray ee TDF, kuwaas oo sida ay sheegeen ahaa kuwii soo weeraray deegaanka Canfarta.

Dhinaca kale, ma jiraan warar madax banaan si dhab ah u xaqiijinaya waxa ka socda deegaanka iyo xaaladda dhabta ah, iyadoo isgaadhsiintu ay gebi ahaanba ka go’anayd dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay deegaanka Tigary iyo meelo kale oo gobolka ah.

Waxaase jira cabsi si weyn looga dareemayo gobolka oo dhan, iyadoo laga walaacsan yahay in dagaalku uu ku faafo markan ilaa dalka Djibouiti ee ay deriska yihiin Ethiopia, isla markaana magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia oo maalmihii lasoo dhaafay la xidh xidhay boqollaal qof iyo xarumo warbaahineed, wallow warbaahinta qaarkood xoriyadooda loo celiyay shalay, ayaa laga cabsi qabaa in ay go’doomiyaan TDF, balse xukuumadda Abiy Ahmed oo si weyn uga qaylisay xaaladda, ayaa abaabushay dhankeedka kumanaa malayshiyaad iyo ciidamo isugu jira oo ay doonay on mar kale lagu hujuumo Tigray si looga hortago ka hor inta aannay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ugu soo gelin Addis Ababa.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay kooxda TPLF iyo TDF ay qabsadeen deegaamo baddan oo muhiim ah, kuwaas oo malayshiyaad amxaaro ah laga caydhiyay, waxayna maamulka Amxaaradu qayladhaan u direen maamulada gobolka ee dhigooda ah iyo dawladda dhexe ee Federaalka iyagoo ku qaylinaya in laga soo gaadho duulaan ay sheegeen in ay kusoo qaadeen TPLF.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, ayaa dhankiisa ku tilmaamay TPLF xannuunka “Kansarka” ee dalka Ethiopia, wuxuuna ku baaqay in laga difaaco dalka oo laga jaro Ethiopia, wuxuuna ra’iisal wasaare Abiy abaabulay dagaal mar kale laga cabsiqabo inuu si ballaadhan ugu baaho gobolka oo dhan, taas oo walaac laga muujinayo sida ay xaalladu ku socoto iyo dhibaatooyinka xilliganba ka taagan Ethiopia ee collaada iyo macaluusha, waxayna si weyn uga digayaan Qaramada Midoobay iyo Hay’addaha Xuquuqda Aadamuhu sida ay wax u socdaan.

TPLF, ayaa dib u qabsatay gobolka kadib siddeed bilood oo ay dagaal kula jireen Ciidamadda Ethiopia, oo kaashanaya kuwa eriteria iyo malayshiyaad amxaaro iyo qowmiyado kale ah.

Dagaalka gobolka Tigray, ayaa si weyn u naafeeyay Ethiopia, wuxuuna wiiqay awoodda Ciidanka, isagoo dhinaca kale siyaasiyan u gu’doomiyay dagaalku dalkaa oo dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo nolloleed ka jireen, isla markaana wuxuu dagaalku sababay dhimashada kumanaan qof iyo in ay guryahooda ka qaxaan dhawr milyan oo qof, halka ay gargaar deg-deg ah u baahan yihiin ku dhowaad 4milyan oo kale.

Dagaalka oo markii hore socday muddo siddeed bilood ah, ayaa hadda dib uga bilaabmay gobolka, iyadoo laga cabsi qabo inuu ku fido gobolka, isla markaana u talaabo qowmiyadaha kale eek u nool dalka, kuwaas oo ku kala qaybsan dagaalka gobolka Tigray ee xilligan u gudbay labada qowmiyadood ee Amxaarada iyo Tigray, isla markaana durba saamaynta ku yeeshay nollosha malaayiin qof.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir