fbpx
Tuesday, June 18, 2024
HomeWararkaDhaq-dhaqaaqa Kala Iibsiga Sayladda Xoolaha Hargaysa Oo Kor U Kacay+Sawirro

Dhaq-dhaqaaqa Kala Iibsiga Sayladda Xoolaha Hargaysa Oo Kor U Kacay+Sawirro

Home 
    

Waxaa maalmihii u danbeeyay dhaq-dhaqaaq weyn oo dhinaca kala iibsiga xoolaha nool ah laga dareemayay guud ahaanba Sayladaha xoolaha lagu iibiyo ee dhulka Soomaalida gaar ahaana caasimadda Hargaysa.

Iyadoo ay sanad kastaba marka ay soo dhawaato uu si weyn kor ugu kaco wax kala iibsiga xoolaha ee Sayladaha ayaa hadana waxaa dhawrkii maalmood ee u danbeeyay uu dhaq-dhaqaaqiisu u kordhay Sayladaha xoolaha ee magaaladda Hargaysa.

Kor u kaca wax kala iibsiga Sayladaha xoolaha Hargaysa ayaa ah mid inta badan yimaadda  maalinta weynee Ciidul-Adxa oo la filayo in ay ku beegan tahay maalinta berry ah.

Taasoo ay guud ahaanba dadka muslimiinta ahi maalintaasi gawracaan neef Adhi ah gaar ahaana Wann, taasoo ka mid ah arkaanta islaamka ee ku beegan maalinta gudashadda Xajka ee ay muslimiinta xujayda ahi taagan yihiin buurta Carraf.

Waxaanay dadka muslimiinta ah qoys kastoo awoodayaaba garacaan maalinta Ciidul-Adxa marka laga soo baxo tukashadda salaadda neef Adhi, kaasoo ay dadku sii iibsadaan maalmaha ka horeeya Ciidul-Adxa.

Xawliga ku yimid kala iibsiga xoolaha ee Sayladda Hargaysa ayaana ka dhashay iyadoo ay dad badani iibsanayaan xoolaha, taasoo sidoo kalena faa’iido iyo helitaan dhaqaale u keenta bulshadda xoolo dhaqatadda ah.

Kuwaasoo xoolaha ahminka ah sida Wannanka, Argidda iyo xoolo kaleba maalmaha ay soo dhawaato Ciida Carrafo u iib keena Sayladaha xoolaha ee magaalooyinka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir