fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaXildhibaan Qodax oo Ku Gacan Saydhay Xilka Qaadista Xisbiga UCID Ku Sameeyay

Xildhibaan Qodax oo Ku Gacan Saydhay Xilka Qaadista Xisbiga UCID Ku Sameeyay

Xildhibaan Cabdinaasir Qodax
Xildhibaan Cabdinaasir Qodax
    

Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa waxaa uu ku gacan saydhay xilka qaadista uu xisbiga UCID maanta ku sameeyay.

Xildhibaan Cabdinaasir Qodax, ayaa waxaa uu sheegay in xisbiga UCID aanu ka qaadi karin xubinimada xisbiga.

Waxaanu sidoo kale Xildhibaan Cabdinaasir Qodax sharci daro ku tilmaamay go’aanka uu xisbigiisu gaadhay ee uu xisbiga lagaga caydhiyay, isaga oo sheegay in shirwayne uun lagaga qaadi karo xilka.

Xildhibaanka, ayaa ku andacooday in ay xaq u leeyihiin in ay isbahaysi la samaystaan xisbiga ay doonaan.

Geesta kale, Xildhibaan Qodax oo xisbiga UCID ku eedeeyay in uu faafiyay sirta xisbiga, ayaa diiday in uu wax sir ah faafiyay.

Xisbiga UCID, ayaa maanta sheegay in ay xisbiga ka eryeen Xildhibaan Cabdinaasir Qodax oo aha xoghaye ku xigeenkii xisbiga iyo xildhibaan xisbiga ka soo baxay.

Sababta Qodax xisbiga looga eryay, ayaa ah in isaga iyo xildhibaano uu wataa ay heshiis isbahaysi la galeen xisbiga Kulmiye.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)