fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaDowlad Deegaanka Soomaalida oo Shaacisay Dagaal Ka Dhan Ah TPLF

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Shaacisay Dagaal Ka Dhan Ah TPLF

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida, Cali Badal Muxumed
Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida, Cali Badal Muxumed
    

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF ee maamusha gooblka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Go’aankan, ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay in dagaalka ka socda Itoobiya uu u dhaxeeyo argagixisada TPLF iyo dowladda federalka Itoobiya.

“Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cali Badal Muxumed oo waraysi BBC-da, waxa uu sheegay in ciidamada deegaanka ay xilli walba ay diyaar u yihiin inay difaacan wax kasta oo lid ku ah qaranimada Itoobiya.

Wasiirka, ayaa sheegay in maamulka Dowlad Deegaanka Itoobiya uu mar walba diyaar u yahay la dagaalanka jabhadda TPLF ayna naf iyo maalba u hurayaan.

Wasiirka, ayaa dhinaca kale beeniyey warar soo baxaya oo sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ka socda maamulka loo qaadayo furimaha hore ee dagaalka.

“Ciidamada la yidhi waxaa la geynaya Woqooyiga Itoobiya anaga masuul ka ah oo go’aaminayna xilliga la qaadayo iyo haddii loo bahdaba in la qaado, balse ma jiraan wax ciidan ah oo hadda la qaaday oo si rasmi ah aan anaga u shaacinnay,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cali Badal Muxumed.

Saddex ka mid ah maamul goboleedyada kale oo Itoobiya, ayaa Khamiistii ku dhowaaqay inay ciidamo dirayaan si ay uga qeyb-galaan howlgalka gobolka Tigray, kuwaas oo kala ah; maamul goboleedyada Oromia, Sidama iyo SNNP.

“Ciidamada gaarka ah ee maamullada SNNP, Oromia iyo Sidama waxay u dhaqaaqeen jiidda hore ee dagaalka, si gaar ahna ciidamada Sidama waa ay gaadheen furinta hore,” waxaa sidaas lagu yidhi warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana.

Geesta kale, waxaa hore dagaalka qeyb uga ahaa maamulka Amxaarada, oo ay deris yihiin Tigrayga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)