Haldoornews.com
Akhriso maqaal uu madaxweyne Biixi ku qorey Jariirada News Week:
July 15, 2021 - Written by admin
Akhriso maqaal uu madaxweyne Biixi ku qorey Jariirada News Week:

Waddada Rajada ee Bariga Afrika Waqti Dimuqraadiyadda Caqabado ku Gadaamanyihiin

News Week

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Tarjumid: Maxamuud Bulxan

Xeerka gundhiga u ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Madxweyne Joow Baydan waa wadashaqaynta kala dhaxaysa waddamada furfuran ee dumuqraadiga ah kuwaas oo dano iyo ujeeddo la wadaaga Maraykanka. Ma jiro waqti looga baahi badanyahay maanta istiraatiijiyaddan cusub, waqti xasaradaha adduunka ka aloosan kordheen oo cirka isku shareereen. Hase ahaatee, sidee loo dhaqangalin karaa istiraatiyaddan? Maanta adduunkan dhibaatooyinku ka aloosanyihiin, ma jirto qaddiyad ka xiiso badan in wada-shaqayn toos ah lala yeesho Somaliland. Waa qaran ku yaalla goob istiraatiiji ah oo ah Gacanka Cadmeed ee Geeska Afrika, waana qaran hadda u dabbaal dagay sannad guuradii 30-aad ee madax bannaanidiisa iyo dimuqraadiyadda.

Iyada oo aan inta badan beesha caalamku ogayn oo aanay aqoonsanayn, Somaliland waxa ay ku guulaysatay waxyaabo badan oo aan waddamo kale ku guulaysan, guulahaas na waxa ay qabsatay iyada oo kaalmo kooban ka helaysa deeq bixiyayaasha iyo ururrada wada shaqaynta leeyihiin. Waxa aanu qabannay dhawr doorasho oo dimuqraaddi ah oo qof iyo cod ah. Waxa aanu ka sifaynay dhulkayaga argagixisada, budhcad badeeda iyo faro-gashiga waddamada ajaanibta ah, arrimahan oo ah kuwo waddamada kale ee nala jaarka ah ee gobolku ku guuldarraysteen. Waxa aanu salka u dhignay dhaqaale sugan kaas oo keli ah ku hor-mari kara marka warshadahayaga iyo kaabayaasha dhaqaale la ballaadhiyo. Soddonkii sanno ee la soo dhaafay adduunweynuhu waxa uu markhaati ka ahaa isbeddel dadka qaar sii odoroseen sannadkii 1991. Waddamo badan oo ku yaal Afrika waxa ay la daalaa-dhaceen khilaafyo gudeed, iska hor imaadyo qabiileed iyo diineed, mareegaha argagixisada caalamiga ah iyo korodhka talo maroorsiga. Caqabahadan waxa ay hor istaageen waddamo yar yar iyo kuwo waaweynba si isku mid ah.

Ka dib markii Somaliland xornimada ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska sannadkii 1960-kii, dimuqraadiyadii Somaliland na god-madow ku dhacday, midawgii qaybta kale ee Soomaaliya na ku soo af-jarmay guuldarro, waxa dadkayagu dib u hanteen goonni isu taaggooda qaran soddon sanno ka hor maanta. Intaas ka dib waxa aanu dhisnay dawlad iyo bulsho u wada taagan ka dhabaynta isku dayo waddamada kale ku fashilmeen. Waxa aanu ka dhabaynaynaa hanka dimuqraadiyadeed. Waxa ii maamuus ah in aan ahay madaxweynihii shanaad ee si dimuqraaddi ah lagu soo doorto Somaliland. Waxa ka mid ah guusha Somaliland gaadhay is aaminaadda ka dhex jirta muwaadiniinta, iyada oo marka ay gaadho in madaxweyne lixaad yimaaddo aan si nabad ah ugu wareejin doono.

Somaliland waxa si gaar ah u caawin kartaa waddamada daneeya dimuqraadiyada sida Maraykanka, si loo tibaaxo loona xalliyo dhibaatooyinka gobolka Geeska Afrika ka taagan ee caqabad ku noqon kara danahooda istiraatiijiyadeed. Khilaafyada siyaasadeed, iska hor imaaddada isireed iyo dhaqdhaqaaqyada ciidameed ee ka jira waddamada naga xiga koonfurta iyo galbeeka ayaa khal-khal galiyey xuduudaha, wiiqay deganaanshaha gobolka Geeska Afrika oo galaaftay nolosha dadweyne aan waxba galabsan. Dhinacayaga waqooyi na isu socod xor ah oo maraakiibta millatariga iyo kuwa xamuulkuba ee ka imanaya Kanaalka Suways iyo Badda Cas ay ku maraan kuna dhaafaan Gacanka Cadmeed, waxa carqaladeenaya xasaradaha ka taagan Gacanka Cadmeed (dhinaca Yaman) iyo kor u kaca joogitaanka Shiinaha ee millitariisu ku suganyahay waddanka na la jaarka ah.

Dhamaan dhibaatooyinkaas taagan waxa ay saamaynayaan danaha iyo qiyamka Maraykan sida ay qireen labada ergay ee Madaxweyne Baaydan u soo magacaabay gobolka. Hase ahaatee, si dhibaatooyinkan xididda loogu siibo, Maraykanku uma baahna ergay, ee waxa uu u baahanyahay saaxiibbo uu isku hallayn karo.

Haddaba maxaa ay Somaliland u noqonaysaa saaxibkaas? Ugu horrayn, qiyamkayaga dimuqraadiyadeed waa kuwo xoogan. 31-kii May waxa aanu qabannay doorashada golayaasha deegaanka iyo golaha baarlamaanka, taas oo hawl badan u baahan hase ahaatee lagu jaangooyeey diiwaangelin la sameeyey, laguna waday habkii soo jireenka ahaa ee qofka iyo codka ahaa ee looga bartay Somaliland, doorashadaas oo kor-meerayaasha caalamiga ah iyo kuwa guduhu ba ku tilmaameen doorasho xor ah oo xalaal ah. Waxa aanu hore ugu soconaynaa la shaqaynta Maraykanka, iyada oo dimuqraadiyaddu tahay habka ugu wanaagsan ee isbeddel dhab ah ku keeni karta nolosha muwaadiniinta noqon kartana hiigsi ay bidhaansadaan cid kasta oo xuquuqdooda aas-aasiga dadaal ugu jira.

Marka laga yimaaddo caqabadaha ku gadaaman danaha naga dhaxeeya, Somaliland waxa ay sii wadaysaa in ay xaqiijiso nabadgalyada muwaadiniinteeda, iyo ammaanka xeebtayada dherersan 850 km. ciidamadayada badda oo Ingiriiska iyo saaxiibadayada kale ee Yurub tabobareen ayaa soo dhaweynaya fursadda in ay daahfuraan waxyaabaha cusub ee iska kaashan karaan Maraykanka, taas oo caawinaysa in laga adkaado kooxaha xagjirka ah, la soo afjaro dhibaatada ka taagan Yemen, lana yareeyo iska horimaadyada isireed ee Itoobiya iyo in la ilaaliyo marinnada badeed ee muhiimka ah kuwaas oo bulshada Maraykan ee wax dhoofisa iyo ciidamadda badda ee Maraykanku ba ku tiirsanyihiin.

Ugu dambayn, waxa aynu ognahay in fursadda dhaqaale u tahay gundhig muhiim ah deganaanshaha waqtiga fog. Taasina waa sababta aanu u maalgashannay annaga oo kaashanayna shirkadda DP World, casriyeynta iyo ballaadhinta dekedda Berbera iyo waddooyinka isku xidh ee noo sii mara waddamada jaarka nagula ah dhinaca dhulka, iyada oo dakadda ka soo dagayan xaddi shixnado kaargoo lagu qiyaasayo 20 milyan TFU (Twenty Foot Equivalent Units) sannadkii. Maalgelintan waxa ay u furi doontaa dhamaan Geeska Afrika iyo meelaha ka baxsan ba fursado hor leh oo korodh dhaqaale horseeda. Saaxiibbada Maraykan iyo maalgashiyadan ba waxa ay naga caawin doonaan in ay muujiyaan sida korodhka dhaqaale ee suuqu wado uga wanaagsanyahay daymaha lacageed ee ay aagtahay in la iska celiyo oo ah hab waddamo badan doorteen.

Dadaal badan ayaa la rabaa si aanu u gaadhno yoolashayada. Hase ahaatee, tallaabooyinka dhabta ah ee lagu hirgalin karaa waa wada hadallo talo iyo tusaalayn ku salaysan oo dhex mara Somalilan iyo Maraykanka. Ma dafirnayno awooddayada aanu kaga qayb qaadanayno deganaanshaha gobolka annaga oo lagu marmarsiyoonayo in aanay Soomaaliya awoodin sidaas. Jiritaan la’aanta xidhiidh toos ah oo joogto ah oo lala sameeyo Somaliland ayaa wax aka dhashay cawaaqib aad u daran sannadadii la soo dhaafay, oo ay ku jireen dagaalkii lagula jiray ayaxii ku habsaday dhulka iyo safmarka Karoonaha ee hadda taagan. Dhibaatooyinkan oo kale waxa lagaga hortagi karaa ama meesha looga saari karaa iyada oo la sameeyo xidhiidh toos ah oo joogto ah. Maraykanku waxa uu joogteeyey wada hadallo toos ah iyo xidhiidho adag oo uu la yeeshay Taywan, saaxiib kale oo dimuqraadi ah kuna yaal goob istiraatiiji ah. Baahida loo qabo iyo guusha laga gaadhi karo iskaashigaas dimuqraadiyadeed waa mid aan su’aal ka taagnayn maanta, marka laga yimaaddo duruufaha Maraykan ee siyaasaddiisa arrimo dibadeed.

Fursad taa Taywan la mid ah ayaa Maraykanka ku sugaysa Somaliland, iyada oo dadkayagu dhabeeyeen soddon sanno oo madaxbannaani dimuqraaddi ah iyada oo ku dhex jirta waddamo aan deganayn. 

COMMENTS
Arimaha Diinta