fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaXildhibaannada Kulmiye: Reer Awdal Kama Tanaasulayaan Kursigii Ay Xaqa U Lahaayeen

Xildhibaannada Kulmiye: Reer Awdal Kama Tanaasulayaan Kursigii Ay Xaqa U Lahaayeen

    

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Kulmiye ee Gobolka Awdal , ayaa waxaa ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen kulan ay kaga arrisanayaan rabitaankooda ku aadan kursiga guddomiye ku xigeenka ee golaha Wakiillada Somaliland.

Kulankan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd, ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa faah-faahin ka bixiyay Afhayeenka Xildhibaanaadaasi Maxamed Xuseen Maydhe.

Waxaanu Xildhibaan Maydhane uu sheegay in aanay marnaba reer Awdal ka tanaasuleyn kursiga Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Xildhibaanka, ayaa sidoo kale sheegay in hadii aan arrinkooda aanu waxka qaban xisbiga Kulmiye ay ka tashan doonaan oo ay ku biiri doonaan xisbiyada mucaaradka.

Geesta kale, Xildhibaan Maxamed Xuuseen Maydhane, ayaa waxaa uu fariin u diray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, waxaanu ugu baaqay in beelaha Somaliland uu mid walba xaqiisa siiyo, oo aanay jar ka tuurin shaqsiyaad uu sheegay in madaxweynaha ay been u sheegayaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)