Friday, March 24, 2023
HomeWararkaMeherado Ganacsi oo Ay Soomaali Ku Lahayd Dalka Koonfur Afrika oo La...

Meherado Ganacsi oo Ay Soomaali Ku Lahayd Dalka Koonfur Afrika oo La Boobay

 Dalka Koofur Afrika gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo KwaNobuhle Township ee gobolka Eastren Cape, ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi boob xoogan loogu gaystay qaar ka mid ah ganacsiyada ay Soomaalidu halkaasi ku leedahay.

Wararka, ayaa sheegaya in halkaasi Xalay saqdii dhexe ay ka billowdeen rabshado xoogan oo ay daba socdeen boobka loo geystay dukaamo ganacsi Soomaalida.

Boobka iyo Rabshadaha, ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah ganacsatada ajaaniibta ah ee ka soo jeeda dalka Itoobiya uu toogasho ku dilay mid ka mid ah dadka deegaankaas oo la sheegay inuu ahaa ganacsade, inkastoo aan la sheegin sababta uu u dilay.

Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in laba ka mid ah ajaaniibta ganacsiyada ku leh dalkaasi lagu dhex dilay goobtooda ganacsi oo ku taalay deegaanka KwaNobuhle ee gobolka Eastern Cape.

Rabshadaha iyo boobka Xalay ka dhacay deegaanka KwaNobuhle ee gobolka Eastern Cape, ayaa lagu boobay ilaa 7 dukaan oo la sheegay in sadax ka mid ah lahayeen muwaadiniin Soomaali ah, halka afarta kalana ay lahayeen Itobiyaan, waxaana la sheegay boobka kadib in lagu gubay goobihii ganacsiga.

Muddooyinkii la soo dhaafay, waxaa sii xoogeysanayay weerarada ka dhanka ah dadka ajaaniibta ah, gaar ahaan Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika, kuwaas oo markasta la kulma tacadiyo dil iyo dhaawac loo gaysto iyo in lagu boobo hantidooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)