fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMadaxweyne Biixi oo Qaabiley Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamanka Dalka Finland

Madaxweyne Biixi oo Qaabiley Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamanka Dalka Finland

    

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Finland, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada.

Qoraalka madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in kulankan madaxweyne Biixi la qaatay Xildhibaanka ay ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiiradda wasaaraddaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed iyo  gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan.

Warka ka soo baxay madaxtooyada, ayaan wax faah-faahin ah lagaga bixin waxyaabihii ay ka wadahadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed.

Geesta kale, Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo maanta soo gaadhay Somaliland, ayaa waxaa madaarka ku soo dhaweeyay wasiirada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo ay wehelinayaan masuuliyiin kale oo ka mida xukuumada.

Xildhibaan Suldaan Siciid oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa dhawaan loo doortay inuu ka mid noqdo golaha Wakiillada ee dalka Finland, islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada ee caasimada dalkaasi ee Helsinki.

     

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)