Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaHoobiyeyaal Caawa Lagu Garaacay Madaxtooyada Soomaaliya

Hoobiyeyaal Caawa Lagu Garaacay Madaxtooyada Soomaaliya

    

Wararka hada ka imanaya magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhawayd hoobiyeyaal lagu garaacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka, ayaa intaa ku daraya in Hoobiyeyaashan lagu garaacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ay tiro ahaan gaadhayaan ilaa 6 hoobiye.

Sidoo kale, Hoobiyeyaashan, ayaa la sheegay inay ku dhaceen qaarkood Isgoyska Ceelgaabta agagaarka Beerta Nabadda iyo SYL oo dhamaantood ku yaala afaafka Madaxtooyada Soomaaliya.

Lama ogo ilaa iyo hada khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaasha goordhawayd lagu weeraray afaafka Madaxtooyada Soomaaliya, iyada oo inta badan degmooyinka gobolka Banaadir laga maqlayay jugta hoobiyeyaasha.

Geesta kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in la xidhay isku socodka wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa Shaqaalaha iyo Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo la sheegay inuu yaalo gaadhi nooca raaxada ah oo looga shakiyay inuu sido waxyaabaha qaraxa.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya, ayaa xidhay wadadaasi kuwaas oo u diidaya gadiidka dadweynaha iyo waliba isku socodka caadiga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)