Friday, April 19, 2024
HomeWararkaDegmadda Xiis Ee Gobolka Sanaag oo Kulayl Dartii Looga Qaxay

Degmadda Xiis Ee Gobolka Sanaag oo Kulayl Dartii Looga Qaxay

    

Degmadda Xiis oo dhaca galbeedka gobolka Sanaag, ayaa sanad walba waxaa ka xagaa-baxa dadka halkaa ku nool, cimillada deegaanka oo xilliyadaas aad u kulul awgeed.

Gebi ahaanba dadka ku nool deegaanka waxay sanad walba halkaa ka maqnaadaan muddo lix bilood ah ilaa ay cimiladu caadi ku soo noqoto.

Xiis waa deegaan aad u kulul oo ay ku taalla xeebaha gacanka Caddan, xilliyada kuleylaha dadka waxay isaga qaxaan halkaas iyagoo u guura deegaan aan sidaa uga fogeyn oo buuraley ah.

“Waa dhul aad u kulul oo xeeb baa ku taalla. Marka dadka degan lixdii biloodba mar bey ka xaggaa baxaan, magaalada oo dhan waa laga wada tagaa oo cidna ma joogeyso,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiweli Maxamuud oo kamid ah dadka deegaankaa. Wuxuu intaa ku daray in dadka ku nool Xiis marka ay isaga guuraan waxay tegaan dhul qabow ah oo ay ku hareereysan yihiin buuro oo ku dhaw halkaas.

Marka laga baxo xilliga kuleylaha ayay dib ugu laabtaan deegaanka.

“Dadku waxay yimaadaan laba tuulo, waa dhul beeraley ah, bey’ada wey ka baxdaa, halkaas bay ku soo xaggaa baxaan, marka aad afar saac ka soo socoto Xiis dhul qabow baad soo galeysaa, dhulkaa qabow bey lix bilood deganaadaan, marka laga baxo kuleylaha ayay dib ugu laabtaan” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan oo dhawaan booqsho ku tagey deegaankaas, ayaa BBC-da u sheegay in Xiis ay tahay deegaan qurux badan balse dadka ay lixdaa bilood sanadkii uga cararaan oo kaliya ah in ayna u adkeysan karin kuleylaha daran ee ka jira halkaas.

“Waa magaalo aad iyo aad u qurux badan waxay leedahay xeeb qurux badan, dadka kuleylkaas oo keliya bay uga tegaan, wax dhibaata ah kama jirto magaalada”

Wuxuu sheegay in xeebta Xiis ay ku soo arkeen buur weyn oo dadka deegaanka u yaqaanaan ‘Mac-Jabaleyn’

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version