fbpx
Friday, April 26, 2024
HomeWararkaWiil Arday Ah oo Ka Soo Jeeda Soomaaliya oo Lagu Toogtay Magaalada...

Wiil Arday Ah oo Ka Soo Jeeda Soomaaliya oo Lagu Toogtay Magaalada Boorama

    

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa waxaa ay sheegayaan in Wiil Arday lagu toogtay magaaladaasi.

Wiilkan oo dhigan jiray Jaamacadda Camuud ee maagaalada Boorama, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland ku toogtay Agagaarka Jaaamacaddaasi.

Ardaygan oo lagu magacaabi jiray Ibraahin Cabdishakuur Ibraahin, ayaa waxaa la sheegay inuu ka soo jeeday Koonfurta Soomaaliya isaga oo magaalada Boorama u soo Waxbarasho doontay, waxaana lagu soo waraamayaa inuu u dhintay wiilkan Ardayga ahi.

Sababta dilka Ardaygan keentay, ayaa la sheegay in ahayd kadib markii ay is af dhaafeen askariga iyo ardaygu, iyadoo ardaygu uu doonayay in uu gudaha jaamacadda galo si uu uga soo qaato telefoon uu kusoo illaabey.

Waxaana Maydka wiilkan, loo qaaday Cisbitaalka wayn ee magaalada Boorama, iyadoona ay Ciidamada dambi-baadhistu ku howlan yihiin sidii ay u ogaan lahayeen waxa sababay toogashada.

Maamulka Jaamacadda Camuud oo ka hadlay dilka Ardaygan, ayaa waxaa ay beeniyeen wararka sheegaya in ardayga sababta loo dilay ay ahayd inuu calanka Soomaaliya ku lebbisnaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir