fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaSacuudiga iyo Imaaraadka oo Is-weydaarsaday Hadallo Kulul

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo Is-weydaarsaday Hadallo Kulul

Amiir Abdulaziz bin Salman
Amiir Abdulaziz bin Salman
    

Sacuudi Carabiya iyo dalka ay xulufada yihiin ee Imaaraadka Carabta, ayaa is-weydaarsaday hadallo kulul oo ku saabsan heshiis la xidhiidha wax soo saarka shidaalka ee dalalka ku bahoobay ururka OPEC+.

Imaaraadka Carabta, ayaa aad uga soo horjeestay heshiis ay soo jeediyey dalalka soo saara shidaalka ee ku jira OPEC+, kaasi oo sare loogu qaadayo wax soo saarka.

Khilaafka labadan dal ee Carbeed, ayaa sababay is mari waa halis gelin kara isku day lagu xakameynayo qiimaha shidaalka caalamka ee sare u sii kacaya, xilli caalamku ka soo koobanayo COVID-19, ayna jirto baahi badan oo loo qabo shidaalka.

“Waxaa iska soo horjeeda koox dhan iyo hal dal, taasi oo ah arrin murugo leh xaqiiqdii,” waxaa sidaas Taleefishinka Bloomberg u sheegay Wasiirka Tamarta Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Salman, isaga oo soo jeediyey in Imaaraadka Carabta ay kali ku noqdeen OPEC+ oo ay xubno ka yihiin 23 dal.

Wareysi kale oo uu siiyay taleefishinka Al-Arabiya, Amiir Abdulaziz, ayaa ugu baaqay Imaaraadka Carabta “inay xikmad iyo tanaasul” sameeyaan kahor kulanka OPEC+ ee maanta.

OPEC+, ayaa soo jeedisay in soo saarka shidaalka sare loo qaado 400,000 oo barmiil maalinkiiba, laga billaabo August illaa December, taasi oo laba milyan oo barmiil ku dareysa suuqyada caalamka kahor dhammaadka sanadka.

Si kastaba, Imaaraadka Carabta, ayaa doonaya kaliye sare u qaadis kooban oo ku eeg kaliya bisha August, waxayna dalbadeen heshiis ka wanaagsan midka lasoo bandhigay.

“Imaaraadka Carabta waxay dalbaneysaa caddaalad la xidhiidha heshiiska cusub, iyo xuquuqda madax-banaani ee aan u leenahay inaan dalbano waxa ay helayaan dalalka kale,” waxaa sidaas yidhi Wasiirka Tamarta Imaaraadka Suhail Mohamed Al-Mazrouei.

Hadallada kulul ay is-weydaarsadeen Imaaraadka iyo Sacuudiga, ayaa naadir ka ah Bariga Dhexe, oo ah gobol khilaafyada si hoose looga xaliyo.

Haddii aanay OPEC heshiis ku gaadhin kulanka manata dhacaya, waxaa sare u kici doona qiimaha shidaalka caalamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)