fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaMaxay Ka Wadahadleen Madaxweyne Biixi, Guddoomiyaha Baanka Dhexe iyo Ururka Sariflayaashu

Maxay Ka Wadahadleen Madaxweyne Biixi, Guddoomiyaha Baanka Dhexe iyo Ururka Sariflayaashu

    

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan wada-jir ah waxaa uu la qaatay Guddoomiyaha Baanka Dhexe iyo Ururka Sariflayaasha ee Wada-jir, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada.

Qoraalka madaxtooyada, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi war-bixin ku saabsan Xaallada Sarifka suuqa ee Shillinka Somaliland ka dhagaystay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Sariflayaasha Wada-jir Barkhad Axmed Coofiye, Guddoomiye ku xigeenkiisa Abokor Cabdi Cawaale iyo Xog-haye Maxamed Cali Yuusuf.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in masuuliyiintani ay Madaxweynaha faahfaahin ka siiyay xaaladda sarifku mudooyinkii u danbeeyay uu ka marayay suuqyada dalka, iyagoo xusay in uu haatan degan yahay, wakhti caalamka ay ka jiraan duruufo dhaqaale oo adag, kaas oo uu sababay Covid-19 ku, isla markaana Somaliland qabatay doorashooyin uu dhaqaale badani ku baxay, hadana aanay saamayn ku yeelan qiimaha shillinka Somaliland oo halkii si fadhiya.

Sidoo kale, waxa ay xuseen in dedaalkaasi uu ku yimi iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Baanka Dhexe, ururka Sariflayaasha wada-jir iyo Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil oo iyaguna door muhiima ku leh arrimahaas.

Qoraalka madaxtooyada, ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu labada dhinac uga mahad-celiyey hawsha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan, waxaanu kula dardaarmay madaxweynuhu inay marwalba tixgeliyeen duruufaha ku gadaaman bulshada qaybeheeda kala duwan.

  

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir