Friday, March 24, 2023
HomeWararkaGollaha Guurtida oo Dood Ka Yeeshay Siyaasadda Deegaanka

Gollaha Guurtida oo Dood Ka Yeeshay Siyaasadda Deegaanka

    

Xildhibaanada aqalka Gollaha Guurtida Somaliland, ayaa waxaa ay maanta dood ka yeesheen siyaasadda arrimaha deegaanka, iyo xaalufka iyo mabaad-guurka deegaanka ku yimid.

Waxaanay mudaneyaashii doodda ka dhiibtay fadhigaasi ay ka midaysnaayeen dhibaatadda soo waajahday deegaanka dhulka Somaliland iyo xaalufka daran ee ku socda deegaanka.

Iyadoo ay xildhibaanadu tilmaameen sida ay lagama maar-maanka u tahay in la dar-dar geliyo siyaasadaha xukuumadda iyo xeerarka iyo sharciyadda wax lagaga qabanayo deegaanka.

Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominayay Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha golahs Guurtidda Somaliland ayay mudaneyaashu ku lafo gureem arrimaha deegaanka.

Xildhibaan Axmed-nuur Aw Cali, oo ka mid ahaa mudaneyaashii doodii maanta ka qayb qaatay ayaa sheegay in qof kastoo bulshadeena ka mid ah uu qayb ka yahay dhibaatadda deegaanka haleeshay.

Si wax looga qabto dhibaatadda soo waajahday deegaanka gaar ahaana jarista dhirta qoyan, Dhuxulaysiga, oodashada Seereyaasha sharci darrada ah ayaa ka mid ah waxyaabaha ay wasaaradda deegaanka Somaliland sanadahan danbe sida weyn uag hawl gashay.

Sida uu sheegay xildhibaan Maxamed Sheekh C/raxmaan, oo isna ka hadlayay fadhigii maanta ee golaha Guurtidda.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)