fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaBeesha Caalamka oo War Ka Soo Saartay Jadwalka Doorashada Soomaaliya iyo Shirkii...

Beesha Caalamka oo War Ka Soo Saartay Jadwalka Doorashada Soomaaliya iyo Shirkii Muqdisho

Beesha

    

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, ayaa waxa lagu soo dhaweeyay Shirkii ay dhawaan yeesheen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ee Soomaaliya ee lagaga arrinsanayay hanaanka doorashada Soomaaliya iyo dar-dar gelinta heshiiskii hore loogu gaadhay magaalada Muqdisho.

Wakiiladda Beesha Caalamka, ayaa waxay dhinacyada ugu baaqeen inay uga soo baxaan heshiiskii si aan dib u dhac lahayn, si hore loogu sii socdo, islamarkaana ay Soomaaliya uga qabsoomto doorasho wadar ogol ah oo ku mudeysan xiligii lagu heshiiyay.

“Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay soo dhaweynayaan shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 29-kii June, waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada doodihii wax ku oolka ahaa ee ay yeesheen . Jawigii tognaa ee shirka oo ay qeyb ka tahay xidhiidhka lala sameeyay saamilayda sida Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa aasaas u ah sii socodka horumarka xagga doorashada,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Beesha Caalamka.

“Waxaa hoosta ka xariiqayna in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiim ah ka gaadheen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda ka taageerta Farsamada Doorashada iyo ballaadhinta lagu sameeyay si loogu daro Wakiillada Dowlad-Gobolleedyada. Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka kala badh hoos loogu dhimay kharashka isdiiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, waxaana rajeynaynaa in la qaado tallaabooyin kale si loo xaqiijiyo qoondada boqolkiiba 30ka ee haweenka lagu hashiiyay.”

Sidoo kale, waxay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaaliya u soo jeediyeen madaxda iyo hay’addaha ku shaqada leh arrimaha doorashada Soomaaliya inay si joogto ah u yeeshan wada-xaajood iyo wada-shaqayn wax ku ool ah, si loo xaliyo caqabad kasta oo la soo gudboonaata hanaanka doorashada Soomaaliya.

“Waxaa ku qanacsanahay in hanaan doorosho deg-deg ah, nabdoon oo hufan uu Soomaaliya ka caawin doono ku-laabashada dhabbaha xasilloonida iyo barwaaqada. Saaxiibada caalamiga ah waxa ay diyaar u yihiin in ay taageeraan Somaaliya.” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedkan, waxaa si wadajir ah u soo saaray dowladdaha iyo ururrada kala ah; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir