Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaShil Gaadhi oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Jidka Isku...

Shil Gaadhi oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Jidka Isku Xidha Gabiley iyo Boorama

Home 
    

Ugu yaraan hal qof, ayaa ku dhintay todoba qof oo kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo, kaddib markii ay isku dhaceen laba gaadhi, waddada isku xidha magaalooyinka Gabiley iyo Boorama.

Taliyaha taraafikada magaalada Gabiley laba xiddigle Deeq Xaashi Guuleed oo u waramayay warbaahinta, ayaa sheegay in shilkani uu dhacay xalay islamarkaana uu ku geeryooday alle ha u naxariiste hal qof, Halka todoba qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaana uu taliyuhu sheegay in dadkii  uu dhaawacu ka soo gaadhay shilkan gaadhi xaaladooda caafimaad lagu tacaalayo cisbitaalka guud ee magaalada Gabiley.

Taliyaha, ayaa digniin iyo waano u diray dirawallada gaadiidka kuna booriyay inay dhimaan xawaarahooda socodka, islamarkaana aanay dhaafin goob kasta inta loogu talo’galay.

Geesta kale, taliyaha, ayaa waxaa uu sheegay inay baadhayaan sababta keentay shilkaasi gaadhi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version