fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaGollaha Guurtida oo Is-casilaad Ka Aqbalay Xildhibaan Golahaas Iskaga Baxay

Gollaha Guurtida oo Is-casilaad Ka Aqbalay Xildhibaan Golahaas Iskaga Baxay

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa iscasilaadda Cabdirashiid Xaashi Cabdi oo muddo 30 maalmood ka yar ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland.

Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa 10-kii June 2021 xildhibaanimada Golaha Guurtida u dhaarisay Cabdirashiid Xaashi Cabdi kaddib markii uu geeriyooday Allah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi Shiil oo walaalkii ahaa.

Mudaneyaasha gollaha Guurtida, ayaa fadhigooda maanta cod gacan taag ah kaga aqbalay iscasilaad uu golaha u soo gudbiyay xildhibaan Cabdirashiid Xaashi Cabdi.

Fadhigan maanta oo uu shir guddoominayay guddoomiye xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Md Siciid Jaamac Cali, waxa golaha ku sugnaa 47 xildhibaan, waxaanu guddoomiyuhu golaha u gudbiyey in cod gacan-taag ah lagu ansixiyo iscasilaadda xildhibaanku u soo gudbiyey.

Cod gacan-taag kaddib, 44 mudane, ayaa oggolaaday codsiga iscasilaadda ah ee xildhibaanka, waxa diiday 1 mudane, waxaana ka aamusay hal mudane.

Xildhibaanka ayaa noqonaya markii u horeysay ee Goleyaasha Sharci-dejinta dalka uu is-casilo mudane wakhti kooban ka mid ah xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)