fbpx
Wednesday, April 17, 2024
HomeWararkaSool: W/Maaliyadda Oo Soo Gebagabaysay Diiwaangelinta Gaadiid Cashuur Dhaaf Loo Sameeyay

Sool: W/Maaliyadda Oo Soo Gebagabaysay Diiwaangelinta Gaadiid Cashuur Dhaaf Loo Sameeyay

    

Wasaaradda maaliyadda Somaliland oo maalmahanba magaaladda Laascaanood ka waday diiwaangelinta cashuur dhaaf loo sameeyay gaadiidka gobolkaasi ayaa maanta soo gebagabaysay hawshaasi.

Gaadiidka la diiwaangeliyay ee cashuur dhaafka loo sameeyay oo ay tiradoodu gaadhaysa ilaa 600, oo baabuur waxaa maalmahanba magaaladda Laascaanood ka waday masuuliyiin ka socday wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo uu hogaaminayay agaasimaha waaxda Kastamadda ee wasaaradaasi.

Diiwaangelintan la dhamaystiray kadib ayaa wejiga labaad waxaa looga gudbi doonaa sidii nidaamkii cashuur dhaafkoodu uu ku iman lahaa gobolka Sool, isla markaana ay  gaadiidlaydu u heli lahaayeen waraaqaha cashuur dhaafka ah.

Sida uu sheegay agaasimaha waaxda Kastmadda ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Maxamed Nuur, oo isagoo ay wehelinayeen xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradaasi  ay maalmahanba hawsha diiwaangelinta cashuur dhaafka loo sameeyay gaadiidka ka wadeen magaaladda Laascaanood.

Iyadoo hawsha diiwaangelinta gaadiidka ay muddo dhawr maalmood ah ka socotay xarunta kastmaka wasaaradda maaliyadda ee magaaladda Laascaanood.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ka hadlay goobtii lagu soo gebagabaynayay hawshaasi ayaa wasaaradda Maaliyadda Somaliland uga mahad celiyay sida deg dega ah ee ay uga soo jawaabtay baaqii ay hore ugu jeediyeen.

Sidoo kale badhasaabka ayaa uga digay bulshadda gobolka Sool in aan wixii hadda ka danbeeya laga ogolaan doonin in gawaadhi bilaa cashuur ahi ay magaaladda dhex maraan, maadaama oo la dhamaystiray diiwaangelinta cashuur dhaafka loo sameeyay baabuurta.

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland oo amarkiisa lagu fuliyay hawshani iyo sidoo kale wasiirrada arrimaha gudaha, Maaliyadda iyo gaadiidka oo iyagna ka qayb qaatay sidii loo fududayn lahaa cashuur dhaafka loo sameeyay gaadiidka Laascaanood.

Geesta kale, agaasimaha waaxda kastamadda ee wasaaradda maaliyadda Maxamed Nuur, ayaa maamulka gobolka Sool uga mahad celiyay sidii ay ugala shaqeeyeen hawsha diiwaangelinta gaadiidka.

Dhinaca kale, qaar ka mid ahaa mulkiileyaashii iyo derawaladii gaadiidka cashuur dhaafka loo sameeyay oo iyagna ka dareen celiyay hawsha cashuur dhaafka ah ee loo sameeyay ayaa si weyn ugu mahad celiyay xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda Maaliyadda.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir