fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararka“Irrida ayaan ka saarayaa kii xisbinimo la yimaadda adkayso adigaa

“Irrida ayaan ka saarayaa kii xisbinimo la yimaadda adkayso adigaa

    

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in maayarka cusub ee magaaladda Hargaysa ay bulshadu ka sugayso waxqabad la taaban karro oo muuqda.

Waxaanu kula taliyay xubnaha golaha deegaanka Hargaysa si ay taa u gutaan waajibaadkooda in ay noqdaangole midaysan, isla markaana ay meel iska dhigaan xisbinimadii iyo xisbiyadii ay ka soo baxeen.

Wasiirka ayaa ugu hanjabay xildhibaanadda xisbinimo la yimaadda, isla markaana u hogaansami waaya xeerka lagu maamulo dawladaha hoose ee xeer LN.23, inuu golaha ka saari doono.

Wuxuu sheegay in xubnaha golaha deegaanka oo ka soo baxay saddexda xisbi qaran in markii la dhaariyay ay ka tegeen xisbinimadii, isla markaana ay ku midaysan yihiin magaca ah golaha deegaanka Hargaysa.

Wasiir Maxamed Kaahin, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay munaasibad uu xilka kula wareegayay maayarka cusub ee Hargaysa ee dhawaan la doortay.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa ku amaanay maayarkii hore ee Hargaysa C/raxmaan Soltelco, deganaan iyo dul-qaad uu muujiyay mudadii uu xilka hayay, taasoo uu tilmaamay in ay muujinayso heerkiisa hogaamineed.

Sidoo kale wasiir Kaahin, ayaa soo dhaweeyay maayarka cusub ee Hargaysa iyo xubnaha golaha deegaanka, waxaanu maayarka cusub ku booriyay inuu adkaysi muujiyo mudadda uu xilka hayo, maadaama oo uu isagu xilka soo doontay.

Daawo: Hadalkii Wasiir Maxamed Kaahin:

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)