fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaMaxkamadda Sare Ee Somaliland oo Soo Gaba-gabeysay Dhagaysiga Dacwadaha Murrashaxiinta

Maxkamadda Sare Ee Somaliland oo Soo Gaba-gabeysay Dhagaysiga Dacwadaha Murrashaxiinta

 Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee Somaliland, ayaa maanta soo af-meertay, dhagaysiga dacwadaha la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiillada Somaliland, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Maxkamadda sare ee Somaliland.

Waxaa kale oo qoraalka Maxkamada sare lagu sheegay in maxkamaddu dhagaysatay dacwadaha sideed murrashax oo hore maxkamadda ugu soo gudbiyay dacwadahooga.

Qoraalka, ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in Fadhigan ay Maxkamaddu ku dhagaysanaysay dhammaan dacwadaha uu u furnaa dadweynaha.

Sidoo kale, Qoraalka, ayaa lagu sheegay in dhagaysigii dacwadaha ee maanta ay ka soo qayb galeen kor-joogayaashii doorashada ee caalamiga iyo maxaliga ahaa.

Hoos ka akhriso warka ka soo baxay maxkamadda

Fadhigan waxaa Shirgudoominayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali, waxaana ku wehelinayay 9 garsoore oo kala ah ku-xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Axmed Diiriye Qaalib, Yaxye Cali Idiris, Maxamed Faarax Siciid, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan iyo Cabdilaahi Cabdi Aadam oo ay wehelinayso kaaliyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Sahra Ismaaciil Cabdilaahi oo ay caawinayeen kaaliyayaasha kala ah Khadar Muuse Cabdi, Cabdisalaan Muuse Ducaale iyo Cumar Cabdiwahaab Siciid, ayaa maanta fadhi buuxa ku soo gabagabaysay dhagaysiga 8 dacwadood oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiillada JSL, Sida qorshaha dhagaysiga dacwadaha maantu ahaa, waxa maxkamadda u qorshaysnaa dhagaysiga 9 dacwadood hase ahaatee waxa gunnaanadkii dhagaysiga dacwadaha soo xaadiri waayay hal murashax iyo qareenadiisii, taasi oo ka dhigaysa tirada la dhagaystay maanta 8 dacwadood, oo marka loo geeyo 14-kii dacwadood ee ay hore maxkamaddu u dhagaysatay noqonaya 22 dacwadood.

Fadhiga ay Maxkamaddu ku dhagaysatay dhammaan dacwadaha ayaa u furnaa dadweynaha danaynaya in ay dhagaystaan, sidoo kale dhagaysigii maanta waxa ka soo qayb galay kor-joogayaashii doorashada ee caalamiga iyo maxaliga ahaa.

Iyadoo maxkamaddu u eegaysa dacwadaha ay dhagaysatay xeerka doorashooyinka iyo xeerarka kale ee la hal-maala, waxay sida ugu dhakhsaha badan ku soo saari doontaa go’aan kama dambayn ah, si loogu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee golaha Wakiillada Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)