fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaMadaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Hargeysa Ka Furay Shirweynaha Qaran Ee Sakada

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Hargeysa Ka Furay Shirweynaha Qaran Ee Sakada

    

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa waxaa uu maanta magaaladda Hargeysa ka daah-furay shirweynaha qaran ee Sakada.

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland, ayaa socan doona laba maal-mood, waxaana ka soo qayb galay xubno kamid ah Golaha wasiirada, Culimo awdiin, Ganacsato iyo haween.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalle, ayaa ugu horayn halkaasi ka hadkay waxaanu soo dhaweeyay kasoo qayb galeyaasha shirweynaha qaran ee sakada.

Xubno kamid ah Culimada dalka oo sameeyay Daraasad ku saabsan sakada ayaa ka waramay ahmiyadda ay bulshada u leedahay sakadu iyo Tusaaleyaal lagu guulaystay oo bixinta sakada ah.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa soo dhaweeyay kulankaas, waxaanuu xusay in wasaaradda maaliyaddu talaabo hore loo qaaday ay u aragto in wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland ay kulankan ku saabsan sakada daaf-furto, waxaanuu intaas ku daray sakadu ay qayb ka noqon doonto kor u qaadida dhaqaalaha iyo nolosha bulshada.

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sidoo kale ka hadlay shirweynaha qaran ee Zakada waxaanu sheegay inay sakadu kamid tahay tiirarka waaweyn ee ay ku dhisan tahay Diinta Islaamku, dawladuna ay u xilsaaran tahay inay bulshada ku wacyigeliso isla markaana fuliso waajibkaasi Diiniga ah.

Sheekh Khaliil, ayaa intaasi ku daray in dastuurka Somaliland oo waafaqsan shareecada islaamka islamarkaa waxii kahor yimaadaana aanay shaqayneyn ilaa inta la waafajinayo, wasiirka ayaa xusay in barnaamijka sakada looga gol leeyahay in la gudo waajibka diiniga ah iyo in kor loo qaado dhaqaalaha dadka saboolka ah oo lagu caawiyo Zakada.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa bogaadiyay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waxanu tilmaamay inay sakadu ahmiyad weyn u leedahay bulshada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)