fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaGollaha Guurtida oo Ansixiyay Xeerka Liisamada Ganacsiga

Gollaha Guurtida oo Ansixiyay Xeerka Liisamada Ganacsiga

    

Xildhibaanada gollaha Guurtida Somaliland, ayaa waxaa ay maanta ansixiyeen xeerka liisamada ganacsiga dalka.

Xildhibaanada gollaha Guurtida Somaliland, ayaa xeerkaasi ku ansixiyay fadhi ay yeesheen oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan.

Waxaana ay Xildhibaanadu cod gacan tag ah ku meel mariyeen xeerka liisamada ganacsiga dalka xeer lanbar 98/2021 kaas oo ay waxka badal iyo kaabis ku sameeyeen gudida golaha u xil saaran waajibkaasi.

Fadhigan, ayaa waxa ka soo xaadiray 48 Xildhibaan taas oo ay meel marinta xeerkaasi ogalaadeen 45 Xildhibaan, halka uu ka aamusay hal Xildhibaan, sidoo kalena uu diiday hal Xildhibaan, iyadoona aanu gudoomiyuhu codeyn sidaasina uu ku ansaxay xeerka liisamada ganacsiga dalka xeer lambar 98/2021.

Xildhibaano ka tirsan gollaha oo ansixinta ka dib ka hadlay halkaasi, ayaa ku dheeraaday muhiimada uu bulshada u leeyahay xeerkani iyagoo ku amaanay gudidii ka soo shaqaysay.

Sikastaba ha ahaatee, maalintii shalay ayay ahayd markii gollaha Guurtida Somaliland ay ansixiyeen Xeerka nidaamka Ururada iyo axsaabta siyaasada iyo xeerka shaqaalaha dowladda, kaas oo ay hore waxka bedel iyo kaabis ku sameeyeen, islamarkaana muddooyinkan horyaalay gollaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)