fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararka“Cidna ka aqbali mayno gor-gortana ka geli mayno sugidda xuduudaha Somaliland

“Cidna ka aqbali mayno gor-gortana ka geli mayno sugidda xuduudaha Somaliland

    

Guddoomiyaha gobolks Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa uga digay maamulka Puntland oo ku soo xadgudbay deegaamo ka mid ah dhulka Somaliland.
Kuwaasoo uu sheegay in ay deegaamayn cusub ka wadaan meello ka tirsan gobolka Sool.
C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu maanta ka jeediyay munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen maamulkii hore iyo ka cusub ee degmadda Laascaanood.
Waxaanu yidhi, “Waxaan mar kele baaq u jeedinayaa bulshada Reer Garoowe ee Puntland Soomaaliya ee oo xogaha na soo gaadhaya ay sheegayaan inay ku soo xad-gudbeen oo ay deegaamayn ay ka wadaan dhul ka mid ah xadka Jamhuuriyadda Somaliland ee gobolka Sool”.

Badhasaabka waxa uu intaas raaciyay in aanay cidnaba ka aqbali doonin in ay ku soo xadgudubta xuduudaha Somaliland.
“Waxaanan farayaa inay ka waan toobaan. Ka maamul Gobol ahaan cidna ka aqbali mayno gor-gortana ka geli mayno sugidda xuduudaha Dastuuriga ah ee jamhuuriyadda Dowladda Somaliland”ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)