fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaWejiga Labaad Ee Mashruuca Biyo Gelinta Jigjiga Oo La Daahfuray

Wejiga Labaad Ee Mashruuca Biyo Gelinta Jigjiga Oo La Daahfuray

    

Waxaa maanta magaaladda Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka soomaalida Itooboya laga daahfuray wejiga labaad ee mashruuca biyo gelinta magaaladaasi.
Mashruucaasi oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 17 Milyan oo dollar, ayaa la filayaa in mashruucaasi uu 52% kor u qaadi doono heerka helidda biyo nadiif ah ee bulshadda magaaladda Jigjiga.
Iyadoo hadda in ka yar 25% bulshadda ku nool magaaladda Jigjiga ay biyo helaan.


Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, oo furitaanka mashruucaasi ka qayb galay ayaa sheegay in biyo la’aanta hadda ka jirta Jigjiga ay tahay mid ka dhalatay maalgashi la’aanta dhinaca biyaha ee deegaankaasi.
“Guud ahaanba magaaladda caasimadda ah ee Jigjiga in ay biyo la’aan tahay, waxay biyo la’aantaasina ka timid, iyadoo maalgashigii loo baahnaa in la geliyo, aan la gelinin ilaa iyo hadda.
Mashruucan hadda la wadaana qayb ahaan dhibaatadii noocaas ahayd ayuu wax ka qabanayaa”.
Madaxweyne Cagjar, waxa kaloo uu sheegay inuu jiro mashruuc kale oo biyo balaadhineed oo kan daba socda oo lagu sarjarayo korodhka iyo tiradda bulshadda magalaadda Jigjiga.
“Mashruuc kan ka balaadhan oo daba socda, oo ku xisaabtamaya koriinka magaaladda, isagana hindisahaa lagu hayaa, ina haas ayay ku soo ururaysaa”ayuu yidhi madaxweyne Mustafe Cagjar.


Geesta kale, madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sharaxay qorshaha laga qiyaas qaadanayo ee la xidhiidha cabirka tiradda bulshadda Jigjiga ee heli kara niyo nadiif ah.
“Marka la leeyahay 52% ayuu gaadhayaa, heer daboolka biyaha ama dadka biyaha cabba, ee magaaladda, intaa in le’eg ayaa biyo rasmi ah helaysa.
Waxaa laga duulayaa cabir ah, halkii qof 80 Litir oo biyo ah ayuu maalinkii isticmaalayaa.
Laakiin, dadka badankiisa, gaar ahaana dadka danyarta ahi ma isticmaalaan, ee qoyska dhan baa 80-ka Litir isticmaalla” ayuu yidhi Cagjar.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Sidaa daraadeed, haddii la hawl geliyo biyahaasi, standarkii loo baahnaa ee qofka lagu qiyaasayay, yuuna ahaanine, 100% in ay dadku biyo helaan, si ay u helaanba, wuu suurto gelin karaa”.
Dhinaca kale, Mustafe Cagjar, ayaa rejo ka muujiyay in mashruucani iyo kuwa kale ee la qorsheeyay in ay mustaqbalka bilaabmaan in ay wax badan ka bedeli doonaan baahida biyaha ee dadweynaha Jigjiga.


Waxaanu yidhi, “Waxaan qabnaa inuu wax badan ka bedeli doono baahida balaadhan ee biyaha ee magaaladda Jigjiga”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)