fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaWasiirka Biyaha oo Digniin U Diray Xubno Ganacsato Ah

Wasiirka Biyaha oo Digniin U Diray Xubno Ganacsato Ah

    

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa iska difaacay eedaymo ay u soo jeediyeen qaar kamid ah dadka ku dhaqan Degaanka Geed Deeble ee duleedka magaaladda Hargeysa.

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymahaasi ay u soo jeediyeen dadka deegaankaasi.

Wasiirka, ayaa sheegay inay dadkaasi ay dabada ka riixayaan dad ujeedo gaar ah lihi, isaga oo tilmaamay in ganacsato doonaysa in ay beero ay dadkaasi lee yihiin iibsadaan ay dadkan dabada ka riixayaan.

Waxaanu sheegay in la mamnuucay in dadka shacabka ahi ay meelaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ay biyaha ka helaan ay ka qotaan ceelal, madaama oo dadweynuhu ay biyaha ka helaan.

Waxaanu wasiirku uu digniin adag u diray ganacsatadaasi oo uu sheegay inuu aqoon u leeyahay, isaga oo aan carabaabin.

Sidoo kale, waxaa uu cadeeyey in ay hore ugu balan qaadeen dadkaas beeralayda ah in ay biyaha u hakin doonaan, si ceelasha ay ka cabaan ay biyo badan ugu kaydsadaan.

Geesta kale, wasiir horumarinta Biyaha, waxa uu sidoo kale fariin u diray madaxda xisbiyadda mucaaridka ah ee Somaliland oo uu u soo jeediyay in ay iska hubsadaan wararka loo sheego oo aanay iska qaadan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir