fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMadaxweyne Cagjar: Waxa Somaliland U Soo Kordhay, Waa Wax Itoobiya U Soo...

Madaxweyne Cagjar: Waxa Somaliland U Soo Kordhay, Waa Wax Itoobiya U Soo Kordhay

Home 
    

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa waxaa uu guul weyn ku tilmaamay horumarka Somaliland ay ku talaabsatay.

Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa sheegay in horumar kasta oo Somaliland u soo kordha uu yahay horumar u soo kordhay dowladda Itoobiya gaar ahaan dowlad deegaanka Soomaalida oo ay Somaliland xuduud wadaagaan.

Madaxweynaha dawlad deegaanka oo khudbad uu halkaas ka jeediyey si gaar ah diirradda ugu saaray faa’iidada ay shacabka dawlad-deegaanku ka filayaan ballaadhinta marsada caalamiga ah ee Berbera iyo sida ay u xoojinayso ganacsiga labada shacab ka dhexeeya.

Waxaanu sidoo kale, Madaxweyne Mustafe Cagjar uu sheegay inay markasta ku faraxsan yihiin horumar kasta oo u soo kordha Somaliland.

“Waxaa Somaliland u soo kordhay waa wax noo soo kordhay hadaanu nahay maamulka Soomaalida Itoobiya waanu ku faraxsanahay inay Somaliland wax wayni u soo kordhaan” ayuu yidhi Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Musfate Maxamed Cumar.

Sidoo kale, madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay in dhismaha marsada Berbera ay wax wayn u soo kordhindoonto deegaankiisa, isagoona Somaliland ku tilmaamay inay muujisay in Soomaalidu tahay dad xadaarad leh oo ismaamuli kara.

“Ka deegaanka Soomaali ahaan, waa wax u soo kordhay, waxad muujiseen in Soomaalidu tahay dad xadaarad leh oo is maamuli kara” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)