fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaMadaxweynaha Somaliland oo Xadhigga Ka Jaray Wejiga Koowaad Ee Dhismaha iyo Casriyeynta...

Madaxweynaha Somaliland oo Xadhigga Ka Jaray Wejiga Koowaad Ee Dhismaha iyo Casriyeynta Dekedda Berbera

    

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray mashruuc ballaadhan oo dib u dhis iyo casriyeyn loogu sameeyay marsada caalamiga ah ee Berbera, islamarkaana baaxaddeedii hore loogu kordhiyay 400 (Afar boqol) oo mitir oo ay u dhammaystiran yihiin dhammaanba waxyaabihii looga baahnaa deked caalami ah.

Munaasibadda xadhig ka jarista marsada Berbera oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen wufuuf caalami ah oo ka kala timi dalal kala duwan oo dunida ah oo ay kamid yihiin wefti Imaaraatiyiin ah oo uu hoggaaminayo maamulaha guud, ahna guddoomiyaha shirkadda DP World, Suldaan Axmed Bin Sulaymaan, wefti ballaadhan oo ka socda dalka Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda dawladda Federal-ka Itoobiya, Axmed Shide oo ay wehelinayaan wasiirka gaadiidka Marwo Dagmawit Moges Bekele iyo madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar iyo xubno wefti ah oo uu hoggaaminayo ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau Mudane Baciro Dja, wefti ka socda dalka Kenya, Safiirrada Somaliland u fadhiya dalalka aynu deriska nahay iyo Taiwan, diblumaasiyiin caalami ah, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, hoggaanka sadexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, madaxda dekedda Berbera,  xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay dekeddu u leedahay guud ahaan bulshada geeska Afrika iyo gaar ahan shacabka reer Somaliland iyo kaalinta ay ka qaadanayso kor-u-qaadista dhaqaalaha iyo kobcaha dakhliga dadweynaha iyo dawladahaba.

Ugu horrayn Maareeyaha dekedaha Somaliland, Siciid Xasan Cabdilaahi oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday horumarka ballaadhan ee ay dekeddu ku tallaabsatay iyo kaalinta ay ka qaadan doonto shaqo-abuurka iyo isu socodka badeecadaha kala duwan ee dunida isaga gooshaya.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna sharraxay faa’iidada ay ballaadhinta marsada Berbera u leedahay bulshada reer Somaliland iyo bulshooyinka geeska Afrika ku dhaqan, waxana uu tilmaamay inay dhaqaalaha Somaliland horumarin doonto.

Wasiirrada maaliyadda iyo Gaadiidka ee dawladda Federal-ka Itoobaiya, Axmed Shide iyo Marwo Dagmawit Moges oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna si isku mid ah u ammaanay horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay iyo kaalinta ay ka qaadanayso fududaynta iyo horumarka gancsiga dalka Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeya.

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyey si gaar ah diirradda ugu saaray faa’iidada ay shacabka dawlad-deegaanku ka filayaan ballaadhinta marsada caalamiga ah ee Berbera iyo sida ay u xoojinayso ganacsiga labada shacab ka dhexeeya.

Guddoomiyaha, ahna maareeyaha guud ee shirkadda DP World, Axmed Suldan Bin Sulaymaan, ayaa isaguna ka sheekeeyey muhiimadda ay dekedda Berbera u leedahay gobolka, isaga oo tilmaamay inay shirkad ahaan u hagar baxeen casriyeynteeda, islamarkaana ay u dhammaystireen wax kasta oo ay deked caalami ahi u baahan tahay.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa ugu horrayn si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey wufuudda caalamiga ah iyo saaxiibbada Somaliland ee kasoo qayb-galay furitaanka wejiga koowaad ee ballaadhinta dekedda Berbera, kuwaas oo isaga kala yimi daafaha adduunka.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ballaadhinta dekedda Berbera kor u qaadayso ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah, isaga oo madaxda shirkadda DP World uga mahadnaqay sidii ay ugu dhabar-adaygeen culaystyadii la saaray.

“Hawsha inoo qabsoontay waxay kor usii qaadaysaa horumarka dhaqaalaheenna, soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah iyo shaqo-abuurka, waxana aan u mahadnaqayaa dawladda Imaaraadka Carabta oo ku dhiirratay inay Adduunka intaas le’eg geliso dalkeenna Somaliland, iyada oo waqtigaa ay dawlado badani ka hor yimaaddeen oo ay duufaanno colaadeed ku kiciyeen inaan dekedda la dhisi Karin, waxan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Suldaan oo ah maareeyaha DP World oo  u dhabar adaygay culays kasta iyo cadaadis kasta oo ku yimi,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu farriin muhiim ah u diray shacabka reer Somaliland oo usoo jeediyey inay ka faa’iidaystaan dekedda loo dhisay ee la  ballaadhiyey, muujiyaanna ilbaxnimo, aaminaad, furfurnaan, soo dhaweyn, shaqo-wanaag iyo hawl-fufudayn, karti iyo dedaalna kaga qaybgalaan tartanka dunida ka socda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir