fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararka17 Askari oo Kenyan Ah oo Ku Dhintay Diyaarad Soo Dhacday

17 Askari oo Kenyan Ah oo Ku Dhintay Diyaarad Soo Dhacday

    

Diyaarad ay leeyihiin Millateriga Kenya, ayaa maanta ku dhacday deegaanka Eremet ee Oltinga, Kajiado West, xili ay ku jirtay howl-gal tobabar, sida uu baahiyay Wargeyska The Standard.

Wargeyska, ayaa ku soo waramaya in diyaaradaas ay saarnayeen ugu yaraan 23 qof, waxaana la arkayay marka ay soo dhaceysay iyada oo aad u holcaysa.

Diyaarada oo ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Kenya, ayaa waxaa la soo warinaya inay ku dhinteen 17 kamid ah Askartii saarnayd.

Sidoo kale, Lix qof oo kale oo qaba dhaawacyo darran, ayaa laga soo bad-baadiyay goobta diyaaradda ay ku dhacday oo ah Ole-Tepesi.

Ciidamada Difaaca Kenya, ayaa dhankooda iyaguna xaqiijiyay dhimashada in la diiwaan-geliyay shilkii subaxnimadii, in kasta oo aan la helin tiro cayiman oo khasaarooyin ah oo ay soo gudbisay afhayeenka ciidamada, Zipporah Kioko.

Diyaarada oo ahayd nooca Helicopter-ka, ayaa ilaa hadda la garaneyn sababta keentay inay soo dhacdo xili ay ku jirtay howl-gal tobabar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)