fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMadaxweyne Biixi Oo Qaabilay Xubnihii Haweenka Ahaa Ee Aan Ku Guulaysan Tartankii...

Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Xubnihii Haweenka Ahaa Ee Aan Ku Guulaysan Tartankii Ay U Galeen Kuraasida Goleyaasha Wakiillada Iyo Deegaanka + SAWIRRO

    

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay murrashaxiintii haweenka ahaa ee ka qaybgalay doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay 31-May-2021, islamarkaana aan ku guulaysan kuraasidii ay u tartameen.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo halkaas ka hadashay, ayaa madaxweynaha ugaga mahadcelisay, kulanka uu  la qaatay haweenka aan ku guulaysan damacoodii ahaa inay goleyaasha wakiillada iyo deegaanka kamid noqdaan,  waxana ay caddaysay in kulankani ka yimi dhinaca madaxweynaha qaranka.

 

Gudoomiyaha dallada haweenka ee NAGAAD, marwo Ismahaan Cabdisalaan Xasan halkaas ka hadashay, ayaa sharraxday dedaalkii ay xubnaha haweenka ee sharraxani u galeen sidii ay u guulaysan lahaayeen iyo sidii ay xukuumadda iyo ururrada kale ee haweenka taageeraba uga go’nayd inay hablahaasi guul soo hooyaan, waxana ay si guud haween ugu soo jeedisay inaanay niyad jabin, siina wadaan dedaalkooda.

Xubno kamid ah haweenkii murrashaxiinta ahaa ee aan guulaysan oo ay kamid yihiin, marwo Dalays Shire Faarax,  Marwo  Sacda Aw Muuse Axmed, Marwo Sucaad Carmiye Odowaa, Marwo  Xaliimo Xuseen Yuusuf, Marwo Nimco Maxamed Cawaale, Marwo Amran Cali Bile iyo Muna Xuseen Khaliif oo ku hadashay magaca ururka HIIL HAWEEN oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday caqabadihii kala duwanaa ee ka qabsaday inay guul gaadhaan, waxana ay tilmaameen inay soo mareen jid dheer oo ay ka barteen casharro nololeed iyo kuwo siyaasadeed oo ay noloshooda dambe iyo mustaqbalkoodaba uga faa’iidaysan doonaan.

Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah aqoonyahanka waaweyn ee reer Somaliland, kana tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna dhankiisa wax laga xumaado ku tilmaamay in xubno haween ah oo aqoon ahaan diyaarsani ay kusoo bixi waayaan kuraasidii ay tartankooda galeen, waxana uu xusay in haatan la gaadhay waqtigii laga gudbi lahaa dhammaanba caqabadaha ku gedaaman haweenka oo ka ballaadhan wax ay xukuumaddu kaligeed xallin karto.

Xildhibaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo kamid ah xildhibaannada golaha wakiillada ee xisbiga KULMIYE, ayaa haweenka aan ku guulaysan inay hammigooda dhinaca tartanka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka kula dardaarmay inay firfircooni iyo niyad-wanaag ka qaadaan dhibka soo gaadhay oo aanay niyad-jabin, casharrona ka bartaan dariiqa adag ee ay soo mareen muddadii ay ololaha doorashada ku jireen.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa ku dheeraaday kaalinta muhiimka ah ee ay haweenku ugu jiraan qaranka iyo sida ay xisbi ahaan ugu dedaaleen inay helaan saaxad hufan oo ay ku tartamaan, islamarkaana y dhammaan gobollada dalka ka siiyeen saami weyn oo ay kaga qaybgelayaan tartankii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay.

Wasiirrada wasaaradaha, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Shaqo-gelinta, qoyska iyo arrimaha Bulshada, Mudane Mustafe Cali Bile oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey kulanka uu haweenka aan ku guulaysan kuraasidii ay isu soo sharraxeen ee gobollada iyo degmooyinka dalka, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay xukuumadda ka go’an tahay inay mar walba haweenka qaranka garab istaagto.

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii uu si hufan u dhegaystay soo jeedimihii haweenka iyo codsiyadii ay soo jeediyeen, halkaas ka jeediyey khudbad uu kula dardaarmayo haweenka, isaga tilmaamay inay haweenku guul weyn gaadhaan, caqabadaha maanta hor taagan intooda badanina aanay iyaga gaar u ahayn oo lala wadaago, waxana uu yidhi,  “Habluhu guul inay joogaan baan anigu u arkaa, waayo haddii raggu idin cadaadinayey, haddii qabyaaladi idin cadaadinaysay iyo haddii dhaqan idin cadaadinayeyba, maanta waxad ku faraxdaan kuwii intaaba is bidayey ee moodayey inay dhaqan kusoo baxayaan iyo idinku inaad meel wada joogtaan, markaad codka eegtaanna intii aad ka cabanayseen, in badan oo tirsanaysay maanta waa idin la mid oo may soo bixin.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu caddeeyey inuu madaxweyne ahaan kaalin weyn ka qaadanayo sidii haweenka looga qaybgelin lahaa talada qaranka, loona suulin lahaa caqabadaha haweenka hor yaalla,“Xukuumad ahaan waannu idinla shaqaynaynaa, carqaladdaa ay dumarku ka maqan yihiin taladii dalkana waa waajib qaran oo qof walba saaran, in arrintaas xal loo helo oo la riixo, xukuumad ahaan iyo qof ahaanba kaalintaydaan ka qaadanayaa, waanan ka dedaalayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa soo dhaweeyey codsiyo kala duwan oo ay haweenka aan doorashadii ku guulaysani madaxweyne ahaan ugu soo gudbiyeen, waxana uu u sheegay inuu la dareen yahay, codsiga ay usoo jeediyeen ee ay ku midaysan yihiinna uu si gaar ah usoo dhaweynayo, tixgelinna  siinayo.

mansha       

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)