fbpx
Thursday, May 23, 2024
HomeWararkaGolaha Degaanka Degmada Burco Oo Doortay Maayar Iyo Ku Xigeen Cusub

Golaha Degaanka Degmada Burco Oo Doortay Maayar Iyo Ku Xigeen Cusub

    

Maxkamadda gobolka Togdheer ayaa dhaarisay xubnaha cusub ee golaha deegaanka ee degmada Burco, iyagoo fadhigoodii ugu horreeyay ee ay yeeshaan iskaga dhex doortay Maayar iyo ku xigeen.

Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Burco Khaliil Bare Aw Raan waxa fadhigii u horeeyay ee ay yeesheen golaha degaanka ee degmada Burco furay guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd.

Dhaarinta ka dib xubnaha golaha degaanka degmada Burco ka dib waxay maayar u doorteen Cabdirisaaq Hero, halka maayar ku xigeena ay u doorteen Mukhtaar Baaryare, kuwaas oo labaduba ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa xubnaha cusub ee golaha degaanka ee degmada Burco iyo hoggaanka ay doorteenba u soo jeediyay in ay dadaal u galaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen horumarinta baahiyaha kala duwan ee jira degmada Burco ee soo dooratay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir