fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaSafaarada Jsl Ee Dalka Itoobiya Oo Daahfurtay Qorshe Ay Adeegyo Ugu Qabanayso...

Safaarada Jsl Ee Dalka Itoobiya Oo Daahfurtay Qorshe Ay Adeegyo Ugu Qabanayso dadka Reer Somaliland Ku Dhaqan Itoobiya.

Kulan ay soo qaban qaabisay safaaradda JSL ay ku leedahay dalka Itoobiya, isla markaana dhexmaray masuuliyiinta safaaradda iyo qaar ka mid ah muwaadiniinta kala duwan ee ku nool magaalada Addis Ababa ayaa maanta ka qabsoomay xarunta safaaradda ee magaaladaas.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah muwaadiniinta ku nool magaalada Addis Ababa, kana kala socday ganacsatada, ardayda iyo dadka deggan magaalada, ayaa dulucdiisu ahayd is-xogwareysi dhexmara masuuliyiinta safaaradda iyo muwaadiniinta iyo sidoo kale daahfurka adeegyo ay safaaraddu u soo kordhisay muwaadiniinta ku dhaqan Itoobiya, kuwaas oo ay ka mid yihiin caawinta dadka adeegyada caafimaadka u yimaadda Itoobiya iyo sidoo kale aqoonsiga jaaliyadda JSL ee Itoobiya (Somaliland Community in Ethiopia).

Safiir-ku-xigeenka Safaaradda JSL, ahna ku-simaha safiirka Barkhad Maxamuud Kaariye oo halkaa ka hadlay, ayaa mahadnaq ka dib, waxa uu ku dheeraaday sababta kulankan iyo kulamo kale oo dhawaanahan ay safaaraddu la yeelanaysay dhinacyada kala duwan ee bulshada ka soo jeedda JSL ee ku nool Itoobiya. Wuxuu tilmaamay adeegyada ay safaarad ahaan bixiyaan ee ay muwaadiniinta u hayaan oo isugu jira dhinac socdaalka, waxbarashada iyo adeegyada caawinta muwaadiniinta.

Waxa uu safiirku ku-dhawaaqay daahfurka aqoonsiga jaaliyadda JSL ee  ku nool Itoobiya (Somaliland Community in Ethiopia ID) oo ah aqoonsi ka caawin doona wax badan dadka deggan Itoobiya. Waxa kale oo uu shaaciyay in ay safaarad ahaan iyo ardayda caafimaadka barata amma dhakhaatiirta ka shaqaysa cisbitaallada Itoobiya ee Somaliland ka soo jeeddaa iska kaashan doonaan sidii loo caawin lahaa dadka adeegyada caafimaadka u soo doonta Itoobiya oo dhibaatooyin badan kala kulma.

Gebogebadii kulankaa qadada ahaa, waxa uu safiir-ku-xigeenku halkaa kula wadaagay muwaadiniinta shuruudaha looga baahan yahay qofka qaadanaya ‘aqoonsiga jaaliyadda JSL ee Itoobiya’ iyo sidoo kale warqadda ‘dal-ku-noqoshada (Go-home)’ oo ah adeeg ay safaaraddu soo kordhisay.

Waxa isna furitaankii kulankaas waxa ka hadlay Cabdifataax Maxamed Cabdiraxmaan, kaaliyaha ergayga gaarka ah ee JSL u qaabilsan Midowga Yurub iyo IGAD. Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay isku-xidhnaanta iyo xoojinta wada-shaqaynta safaaradda iyo muwaadiniintu.

Nimco Maxamed Cismaan oo ah u-qaabilsanaha safaaradda ee arrimaha socdaalka oo Iyana halkaa ka jeedisay ereyo nuxurkoodu ahaa soo-dhaweyn iyo iftiiminta ujeeddada kulanka, ayaa sheegtay in isbarasho guud ka sokow, ay safaarad ahaan ka go’an tahay taakulaynta, caawinta iyo adeeg-gaadhsiinta muwaadiniinta JSL ee deggen Itoobiya.

Maxamuud Cabdikariim Maxamuud oo ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadaha Itoobiya, isla markaana ku hadlayay afka ardayda, ayaa ku dheeraaday in adeegyada safaarad ahaan ay ka helaan ee ay ka mid tahay u-fududaynta ogolaanshaha degganaanshaha, ka-caawinta arrimaha kaga xidhma xafiisyada dawladda Itoobiya iyo sidoo kale u-gurmashada muwaadiniinta, gaar ahaan ardayda wakhtiyadii COVID19 ka dillaacay Itoobiya iyo markii duruufo kale yimaaddeenba, ay yihiin kuwo ay abaal ugu hayaan dawladda JSL, gaar ahaan safaaradda Itoobiya. Wuxuu tilmaamay in adeegyada la sii horumariyo.

Maxamuud Muuse oo ka mid ah ganacsatada reer Somaliland ee deggen Addis Ababa oo isna ka mid ahaa dadkii ku hadlayay afka ganacsatada, ayaa sheegay in ay jiraan adeegyo badan oo ay ka helaan safaarad ahaan, waxase uu hoosta ka xariiqay in dadka reer Somaliland ee socotada ahi ay ku dhib qabaan meelaha qaarkood arrimaha socdaalka, gaar ahaan kuwooda aan safaaraddana la soo xidhiidhin, dal-ku-galkuna ka dhaco amma sharci aan ku joogin. Waxaanu ku baaqay in muwaadiniinta iyo safaaraddu sidii arrimahaa wax looga qaban lahaa la iska kaashado.

Cadnaan Rashiid oo isna ka mid ah ganacsatada oo halkaa ka hadlay, ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay xoojinta isku-xidhnaanta muwaadiniinta dhexdooda iyo sidoo kale xidhiidhka safaaradda.

Adeegyadan iyo faahfaahintoodaba ayaa masuuliyiintani sheegeen in laga helayo safaaradda JSL ee Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)