fbpx
Friday, April 26, 2024
HomeWararkaCodka in la iibsado waa xaaraan”… Sheekh Dirir

Codka in la iibsado waa xaaraan”… Sheekh Dirir

    

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland oo khudbadii Jimcaha ku soo qaatay halista Laaluushku leeyahay.
Waxaanu ka digay cawaaqib xumada ay leedahay laaluush qaadashadu, weliba dadka madaxda ah, isaga oo si gaar ah uga hadlay arrinta Xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland.
Waxaanu yidhi “Waxyaabaha xaaraanta, waxa ka mid ah laaluushka, oo maalmahan suuqiisu xaami yahay, marka iyo waxaas la dhaqdhaqaajiyo, madaxda in ka badan oo ka mid ah marka hore shacabka ayey laaluushaa si loo doorto, marka iyagu soo baxaana, iyagii ayaa laaluush doonaya, ilayn isaga markii hore laga qaaday laaluushe.”

Sheekh Dirir oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan arkayey oo aan aad ula yaabay mid ka mid ah Xildhibaanadii soo baxay, uu qaylinayaa, wuxuu leeyahay Illaahay ka yaaba oo laaluushka aad nagu daldalaysaan naga daaya, ma nihi xoolo daabax ah oo suuqa lagu kala iibsanayo’e.
Waxaanu nahay dad bi’idaam ah oo fikir lehe, doorashadayda noo daaya, isagii ayaa yaabay marka uu arkay lacagta iyo inta ay leeg tahay”.
“Codka in la iibsado waa xaaraan. Ilaahay waxa uu yidhi kuwa iibsanaya cahdiga ay dadka u qaadeen iyo kitaabka ay mareen, kuwaas aakhiro waxba uguma hayo, adduunka waa u calaf la’aan” ayuu yidhi sheekh Dirir.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Mid muhiimka ahi waa in aad ilaashato, Iimaankaaga, akhlaaqdaas, ballanka aad qaaday iyo dhaartaada iyo shakhsiyadaada si aad Ilaahay iyo bulshada dhexdooda aad u ilaashato shakhsiyadaas, una nabad gasho. Haddii aad qaadato Laaluush waxa aad soo gelaysaa Liiska Kuwa la nacdalay, la laaluusha bixinaya, ka qaadanaya iyo ka Dilaalka ahba.”

Previous article
Next article
Ololaha loogu jiro qofka noqonaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Marxalad cusub u gudbay. Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI oo isku dhinac ah, ayaa doonaya in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doorto Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Gobolka Sool uga soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, halka Xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE uu doonayo in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doorto Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo ka soo baxay Gobolka Sool. Labada xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa haysta aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo dhan 52, taasaana keentay inay ku hamiyaan in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu noqdo Xubin Mucaarad, laakiin Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo haysta 30 Mudane ayaa isaguna doonaya in Guddoomiyaha Golahaasi noqdo Xubin Muxaafid ah, taasi su’aalo badan dhalisay, maaddaama oo la iswaydiin karo habka uu arrintaasi u marayo, inkasta oo ay jiri karaan Xildhibaano ka soo baxay Mucaaradka oo aragi ahaan taabacsan in Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Is-riix-riixaa siyaasadeed awgeed, ayaa waxa soo baxay Xildhibaano ka mid ah Xisbiyada Mucaarad oo sheegaya in Masuuliyiin Xisbiga Kulmiye ka mid ahi u soo bandhigeen Lacago, si ay codkooda u siiyaan Yaasiin Faratoon oo Muxaafidku la doonayo Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada. Sheekh Siciid Ismaaciil Sokeeye oo ka mid ah Xildhibaannada cusub ee dhawaan loo doortay Golaha Wakiillada oo Shalay khudbaddii Jimcaha ku soo hadal-qaaday Tartanka loogu jiro Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay doonayso inay laaluushto Xildhibaannada ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka ah “Malaayiin bay maraysaa Laaluushkii, in Cod la iibsado, si Baarlamaankeenii iyo Goleyaashii deegaankeena loogu dhiso Xaaraan, iyadoo la leeyahay waxaas baa lagu siinayaa ee Codka na sii.” Xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee ka soo baxay Gobolka Sanaag oo isaguna la hadlay Telefiishanka SAHAN, ayaa sheegay in loo soo bandhigay lacag, si Codkiisa u siiyo Yaasiin Faratoon oo Kulmiye u wado Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada “Xildhibaannadii doorashadooda dhibka loo soo maray goormay la mid noqdeen Xoolaha daabaxa ah ee Sayladda taagan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa lagu odhanayaa Xukuumaddu waxay doonaysaa inay soo iibsato 12 Xildhibaan, waxaan leeyahay ma jiro Xildhibaan Iib ahi, waxa jira Rag sheeganaya inay Madaxweynaha Gacan-yarayaaal u yihiin oo ay yihiin Mukhalasiin, waxaan leeyahay Madaxweyne ma adigaa dirsaday, haddaad Madaxweyne Adigu dirtay fadhiisi, Waayo? tani waxay ceebaynaysaa doorashadii wanaagsanayd ee inoo dhacday..”
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir