fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaAmb Cawil Cali Ducaale Oo Dhaliilay Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaridka!

Amb Cawil Cali Ducaale Oo Dhaliilay Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaridka!

Taliyaha Madaxwayne Muuse Biixi Ee arimaha wada hadalada Somaliland iyo Somaliland hore usoo noqday Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada xukumadii ddaahir riyaale amb Cawil Cali Ducaale ayaa ka hadlay doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka dhacay 31may isagoo shacabka iyo madaxwaynaha Somaliland ku bogaadiyay qabashadeeda

Sidoo kale Amb cawil cali ducaale ayaa dhaliilay isbahaysiga xisbiyada mucaaridka ee wadani iyo Ucid oo isku xulufaystay sidii ay ugu guulaysan lahaayeen shir gudoonka golaha wakiilada iyo badi maayarada dalka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Previous article
Ololaha loogu jiro qofka noqonaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Marxalad cusub u gudbay. Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI oo isku dhinac ah, ayaa doonaya in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doorto Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Gobolka Sool uga soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, halka Xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE uu doonayo in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doorto Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo ka soo baxay Gobolka Sool. Labada xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa haysta aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo dhan 52, taasaana keentay inay ku hamiyaan in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu noqdo Xubin Mucaarad, laakiin Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo haysta 30 Mudane ayaa isaguna doonaya in Guddoomiyaha Golahaasi noqdo Xubin Muxaafid ah, taasi su’aalo badan dhalisay, maaddaama oo la iswaydiin karo habka uu arrintaasi u marayo, inkasta oo ay jiri karaan Xildhibaano ka soo baxay Mucaaradka oo aragi ahaan taabacsan in Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Is-riix-riixaa siyaasadeed awgeed, ayaa waxa soo baxay Xildhibaano ka mid ah Xisbiyada Mucaarad oo sheegaya in Masuuliyiin Xisbiga Kulmiye ka mid ahi u soo bandhigeen Lacago, si ay codkooda u siiyaan Yaasiin Faratoon oo Muxaafidku la doonayo Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada. Sheekh Siciid Ismaaciil Sokeeye oo ka mid ah Xildhibaannada cusub ee dhawaan loo doortay Golaha Wakiillada oo Shalay khudbaddii Jimcaha ku soo hadal-qaaday Tartanka loogu jiro Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay doonayso inay laaluushto Xildhibaannada ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka ah “Malaayiin bay maraysaa Laaluushkii, in Cod la iibsado, si Baarlamaankeenii iyo Goleyaashii deegaankeena loogu dhiso Xaaraan, iyadoo la leeyahay waxaas baa lagu siinayaa ee Codka na sii.” Xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee ka soo baxay Gobolka Sanaag oo isaguna la hadlay Telefiishanka SAHAN, ayaa sheegay in loo soo bandhigay lacag, si Codkiisa u siiyo Yaasiin Faratoon oo Kulmiye u wado Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada “Xildhibaannadii doorashadooda dhibka loo soo maray goormay la mid noqdeen Xoolaha daabaxa ah ee Sayladda taagan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa lagu odhanayaa Xukuumaddu waxay doonaysaa inay soo iibsato 12 Xildhibaan, waxaan leeyahay ma jiro Xildhibaan Iib ahi, waxa jira Rag sheeganaya inay Madaxweynaha Gacan-yarayaaal u yihiin oo ay yihiin Mukhalasiin, waxaan leeyahay Madaxweyne ma adigaa dirsaday, haddaad Madaxweyne Adigu dirtay fadhiisi, Waayo? tani waxay ceebaynaysaa doorashadii wanaagsanayd ee inoo dhacday..”
Next article
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)