Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaDiyaaradaha Dagaalka Israel oo Duqeeyay Marinka Gaza

Diyaaradaha Dagaalka Israel oo Duqeeyay Marinka Gaza

 

 Milateriga Israel, ayaa sheegay in ay xalay madaafiic ku garaaceen bartilmaameedyo ay Gaza ku leeyihiin ururka Xamaas, weerarkaas oo ay ku sheegeen mid jawaab u ahaa buufinno holcayay oo ay Xamas u dirtay Koofurta Qudus.

Xiisadahan cusub ee labada dhinac, ayaa ka dambeeyay kaddib markii ay Salaasadii shalay kumannaan Israaiiliyiin mayal adag oo ruxayay calamo ay socod ku mareen qeybo ka mid ah Bariga Qudus oo ah halka ay degaan Falastiiniyiinta ugu badan ee ku nool dhulka la heysto.

Waa markii ugu horreysay ee uu dagaal qarxo tan iyo wixii ka dambeeyay 11-kii maalmood ee dagaal u dhexeeyay labada dhinac uu ku dhammaaday xabad joojin la isla gaadhay 21-kii May.

Bayaan ay soo saareen ciidammada difaaca Israa’iil ee loo yaqaan IDF waxay ku sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen xeryo milateri oo ay maamulaan Xamaas oo ku yaala Khan Yunis iyo Gaza.

Waxay sheegeen in falal argagixiso ay ka dheceen goobahaas, iyo in IDF loo diyaariyay wax kasta oo dhici kara sidii ay uu wajahi lahaayeen, oo ay ku jiraan dib u soo noqoshada dagaallada, iyadoo ay jiraan falal argagixiso oo ka socda Marinka Gaza.

Adeegga dab-damiska ee Israa’iil, ayaa sheegay in buufinnada ololaya ee goor hore laga bilaabay Gaza ay sababeen in ugu yaraan 20 dab laga demiyo beero ay leeyihiin bulshooyinka ku nool koonfurta Israa’iil.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version