fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaDastuurka Somaliland oo Qodobo Laga Saaray

Dastuurka Somaliland oo Qodobo Laga Saaray

     Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in Dastuurkii dalka Somaliland dayacan yahay oo ay jiraan qodobbo laga saaray, halkuu xusay inay jiraan qodobbo laga saaray iyo qodobbo lagu soo kordhiyey.

Xildhibaan Axmed Dirir Cali, oo ka qayb-galay Dood Mudaneyaasha Golaha Guurtidu ka yeesheen siyaasadda Arrimaha gudaha, ayaa sheegay in Dastuurku dayacan yahay isla-markaana faro-gelinta lagu hayo dalku aanay ku koobnayn xagga siyaasadda iyo dhulka, balse la faro-geliyey Dastuurka dalka, sidaasi darteed loo baahan yahay in arrimahaa hoos loo eego oo wax laga qabto.

Xildhibaan Dirir oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dastuurkeenii Inta la daabacay oo wax lagu kordhiyey waxna laga saaray, markaas maxaynu la nimaadnaa Dastuurkii aynu haysanay ayaaba dacayane, Dastuurka saxa.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in la kordhiyey tirada Waraaqihii uu ku qornaa Dastuurku.

“Xaashihiisi baa la kordhiyey, qodobbadiisi baa la kordhiyey, qaarna waa laga saaray, yaa daabacay, yaa ka masuul ah, masuuliyadda dadkii lahaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ju daray “Madbacadda Qaranka ha la waydiiyo..”

Dhinaca kale, wuxuu soo dhaweeyey qaabka ay Doorashooyinka Somaliland u dhaceen, waxaanu sheegay inay magaca iyo sharafta dalka ay sare u qaadeen, si wacan oo qurux badana u qabsoomeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)